Madaxweynaha Oo La Filayo Inuu Maanta Guurtida U Gudbiyo Go’aanka Guddiga Doorashada

0
446

Picture5Hargeysa(Geesa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maanta golaha guurtida u gudbiyo wakhtiga cusub ee ay guddiga doorashooyinka u muddeeyeen doorashooyinka ee ah 1 June 2016.

Ma jiro war rasmi ah oo mawduucan la xidhiidhaa, laakiin warar soo baxay ayaa sheegaya in Madaxweynuhu maanta golaha guurtida u gudbin doono si ay jadwalka cusub ee guddiga doorashooyinka uga gutaan waajibkooda distooriga ah. Lama garanayo in Madaxweynuhu qoraalka uu guurtida u gudbinayo ku cadayn doono inay muddo kordhinta ay u samaynayaan ku saleeyaan wakhtiga ay guddiga doorashadu u cayimeen doorashooyinka iyo in kale. Laakiin siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland ayaa hore golaha guurtida uga dalbaday inay muddo kordhinta ay samaynayaan ku jaan-gooyaan jadwalka doorasho ee ay soo saareen guddiga doorashooyinka qaranku.