Wasiiro Kenyan Ah Oo ku hanjabay is-casilaad Iyo Sababta Keentay

0
653

 

Picture4Nairobi, (Geeska/Daily Nation) – Laba wasiir oo xukuumada Kenya ka tirsan ayaa ku hanjabay inay iska casili doonaan xukuumada hadaan degdeg loo bedelin dhamaan saraakiishii booliiska ee ka qeybgalay hawlgalkii lagu raadinayey argagaxisada ee xaafada Islii.

 

Wasiirka Gaashaandhiga, Yuusuf Xaaji iyo wasiirka Horumarinta Maxamed Cilmi ayaa ku eedeeyey saraakiisha booliiska ee xaafadaasi inay cago-jugleyn iyo ka qaaditaan lacago baad u geysteen bulshada Soomaalida,  “Waan ka xunahay in dhowaan baarlamaanka la kala dirayo, hadii kale waxaan u caddeyn lahayn xukuumada inaanan aamusnayn,” ayuu sheegay, Yuusuf Xaaji, oo isaga iyo xildhibaano kale u tageen dhegeysiga cabashooyinka dadka iyo ganacsatada Islii. Isagoo raaciyey, “Waxaan u soo jeedinaynaa taliyaha Booliiska inaanan u dulqaadan doonin caga-jugleynta dadkayaga ee ciidankaaga,” ayuu raaciyey.

Xildhibaanada tegay xaafada Islii, oo ka mid ahaayeen Yuusuf Xaaji, Mr, Cilmi, Xasan Ducaale, iyo Safiya Cabdi ayaa indhoindhayn ku soo maray deegaanka, oo hawlgal culus oo booliisku ka sameeyeen ku xidheendad gaadhaya 300 qof.

Xubno ka tirsan ururka ganacsatada oo hogaaminayey gudoomiyahooda Xasan Guuleed, aya aku eedeeyey saraakiisha booliiska inay lacago baad ah iyo xatooyo hantidooda u geysteen dadka ku dhaqan xaafadaa, mar kastoo baadhitaano ka samaynayaan, “Dadka la xidho wa ainay bixiyaan Sh15,000, ama ha weynaado ama caruur ha noqdo.” Ayuu yidhi, laakiin nin u hadlay waaxda baadhitaanada booliiska,  ee Pangani, Mr Dumba Tankarani, ayaa beeniyey, kuna sheegay in lacagtaa laga qaado dadka la xidho tahay lacag damiin, oo sharci ah.