Haweenka Xaqsoor Oo Xus Baroor Diiq Ah U Sameeyay Dhallinyaradii Geeriyootay

1
666

 

Picture3Hargaysa( Geeska )-Xus balaadhan oo lagu qabtay xarunta urur siyaasadeedka Xaqsoor ee magaalada Hargeysa, ayaa  loo sameeyey dhalinyaradii ku dhimatay banaanbaxyadii ka dhacay magaalada Hargeysa, markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashada.

Xuskan oo ay soo abaabuleen haween weynaha degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, ayaa waxay ku sheegeen inaanay marna iloobi doonin dilkii loo gaystay dhallinyaradaas, oo ay ku tilmaameen mid fool xumaa.

Ugu horayn waxa xuskan baroordiiqda ah  ka hadashay Aamina Cabdilaahi Kaahin, waxaanay sheegtay inaanay dadka reer Axmed Dhagax waligood ka hadhayn sidii ay u raadsan lahaayeen  xaqooda ku wajahan  doorashadii golaha deegaanka, waxaanay dhaliilo ugu soo jeedisay xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo sidii ay u waajahday dhalinyaradaas cabashada muujinaayay.

Sidoo kale waxa kulankan baroordiiqda ah ka hadashay Xaliimo Tahar oo ka mida hooyooyinka degmada Axmed Dhagax waxaanay ugu horayn tacsi  u dirtay ehelada hooyooyinkii caruurtoodu ku geeriyootay rabshadii ka dhacay magaaalda hargaysa “ Marka hore waxaanu  tacsi u diraynaa hooyooyinka caruurtoodii  lagu laayey mudaharaadkii salmiga ahaa ee ay dhigayeen caruurtu, waxaanu taageero hiil iyo hooba la garab taaganahay gudoomiyaha ururka Xaqsoor Muj:Xasan Ciise Jaamac. waligayo kama hadhayno inta aanu  helayno xaqayaga iyo xaqa ururka Xaqsoor, waxaanan leeyahay  madaxweynaha  waligaaba ansixi saddex xisbi anaga waligayaba nagama hadhayo ururka Xaqsoor waanad boobtay  madaxweyne oo caalamka ayaa og sida aad codadkii Xaqsoor ka yeeshay.”

Waxa kale oo ku lankan barooqdiiqda ah ka hadashay Faadumo Aadan waxanay ka hadashay sababta ay u qabteen xuskaas” Goobtan maanta layskugu yimid maaha goob farxadeed ee waa goob geeriyeed, waxaanu baroor diiq u dhigaynaa caruurtayadii lagu laayey degmada Axmed Dhagax, caruurtaas oo si xaqdaro ah loo laayey taas oo Somaliland oo dhami aanay  dhugasho u yeelan, waxaanu ogaanay in cadaawad badan naloo hayo taas oo aanu ku ogaanay  dilkii  ka dhacay  degmada Axmed Dhagax waayo  maanaan arag salaadiin,guurti iyo cid kale oo ka hadlaysa waxa ka dhacay degmadan Axmed Dhagax.”

Sidoo kale waxa xuskan baroordiiqda ah ka hadlay qaar ka mida haween weynaha degmada Axmed Dhagax kuwaas oo sheegay inay  degmada Axmed Dhagax leedahay go’aan midaysan oo aanay marna xukuumada kala furfuri  Karin.

Comments are closed.