Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Oo Ka Hadlay Wada Hadalka U Bilaabmay Xukuumada Iyo Maamulka Khaatumo

0
600

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire  iyo wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa si wada jir ah uga hadlay  wada hadalada u bilaabmay xukuumada somaliland iyo maamulka Khaatumo.

1

 Ugu horayn wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Geeska Afrika  ayaa  si kooban uga hadlay wada hadalka labada dhinac waxaanu yidhi ““Somaliland waa dal wax kasta oo khilaaf ah oo dadka dhexdiisa ka jira lagu dhameeyo wada hadal, wax inoo bilaw ahna maaha ee caadada somaliland ayaa sidaas ah, imikana wada hadalkan Khaatumo waxay ka dhigan tahay in dad reer somaliland lala hadlayo oo wixii khilaafaad ah lagu dhameeyo wada hadal.”

Sidoo kale wasiir Sacad ayaa ka hadlay hadalada ku  saabsan heshiiska dekeda Berbera ee ka soo yeedhaya masuuliyiinta dawlada Soomaaliya waxaanu yidhi “Dekeda Berberi waxay ku taalaa Somaliland ee Somaliya kuma taalo, in maamulka Somaliya ka hadlo wax aan dantooda ahayna waa laga qurux badan yahay, waxyaabo badan ayaa u yaala oo ka baylahsan ee waxyaabahaas haku ekaadaan oo somaliland iyo dekeda Berbera yaanay ku mashquulin, Somaliya waanu kala hagaagnay waxaana  haboon oo kaliya inaynu is ixtiraamno oo sidii laba dawladood oo jaar ah oo walaalo ah u wada dhaqano, mana aha somaliya inay iska indho tirto xaqiiqada oo ay been iskugu sheekayso, wada hadal ayaana u dhaxeeya Somaliland Iyo Somaliya waxaanan leeyahay wada hadaladaas si niyad samiya uga qayb gala laakiin iska daaya xaasidnimada iyo hadalada aad leedihiin somaliland cid matasha ayaa somaliya joogta.”

Wasiirka arimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlaya siyaasiyiinta u dhashay somaliland ee ku  sugan Xamar ayaa waxa uu yidhi “Cid Somaliland ka wakiil ahi ma joogto Somaliya, laba wadana waanu kala nahay Somaliya,  laakiin cidii muwaadiniin ah ee u dhashay somaliland ee doonaya inay soo noqdaan xilna an ka hayn, walibana aan ku kicin wax qaranka duminaya oo aan dastuurkana jabin,jiritaanka iyo madax banaanida somaliland aan ka hor iman dib ayey u soo laaban karaan laakiin cidii xil ka qabatay somaliya, somaliland-na ka hor timid ee doonaya inay dib u soo laabtaan sharciga ayaa loo eegayaa oo wixii sharcigu ka yeelo ayaa laga yeelayaa.”

Dhinaca kale wasiirka gaashaandhiga somaliland Axmed xaaji Cali Cadami oo isaguna la hadlay wargeyska geeska Afrika ayaa dhinaciisa ka hadlay wada hadalka u bilaabmay xukuumada somaliland iyo maamulka Khaatumo waxaanu yidhi “Wada hadaladani waa talaabo sax ah oo dhinaca wanaagsan loo qaaday, nimankaasina waa rag u dhashay somaliland oo deegaan ku  ah, markaas hadii ay yidhaahdeen wada hadal baanu ogol nahay waa lala hadlayaa, kolayna shirar badan baa la galayaa waxyaabo badana waa laga wada hadlayaa  waanan is afgaran doonaa haddii alle idmo.”

Sidoo kale Wasiir Cadami ayaa ka hadlay dadka u dhashay somaliland ee ku sugan Xamar waxa laga yeelayo waxaanu yidhi “Qofku gef wuu samayn karaa dawladiisuna way saamixi kartaa balse odayaasha ka soo jeeda somaliland ee muqdisho jooga ee sheegay inay somaliland dib ugu soo laabanayaan kolay way ku soo hungoobeen oo dalkoodii ayey ka carareen, wixii ay xamar ka doonayeena kamay helin, inay dalka ku soo laaban karaana shakhsi kama hadlo karo ee  waxa go,aan ka gaadhi karta dawlada oo qudha sababtoo ah qaran baynu nahay sharcina waynu leenahay.”

Wasiir Cadami oo ka hadlaya heshiiska Dekeda iyo hadalada ka soo horjeeda ee ka soo baxaya dawlada Xamar ayaa waxa uu yidhi “Xamar iyo maamulka ka taliyaa shaqo kuma laha dekeda Berbera iyo heshiiskeeda,  inay ka hadlaana waa khalad.”