Shirka Beelaha Garxajis Oo Furmay, Tirada Ergada Ka Soo Qayb Gashay Iyo Erayadii Laga Yidhi

0
802

Hargeysa(Geeska)- Shirkii beelaha Garxajis  ayaa si rasmiya uga furmay magaalada Hargeysa.

1

Shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay in ka badan 250 ergay oo ka kala yimid guud ahaanba deegaanada kala duwan ee ay beeshaasi degto.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ka mid ah madax dhaqameedka waa weyn ee beesha Garxajis ayaa ku dhawaaqay inuu shirku si toos ah u furan yahay waxaanu yidhi “"Aadbaan U Salaamayaa Dhamaan Odayaasha,Cuqaasha, Salaadiinta Iyo Dhalinyarada Beelaha Gar Xajis Shirkuna Wuu Inoo Furan Yahay Wixii Danbena Gadaal Ayaan Ka Odhan Doonaa"

Sidoo kale Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir oo isaguna ka hadlay furitaanka shirka ayaa waxa ka hadlay qaabkii uu shirkani ku yimid waxaanu yidhi “Shirka Beelaha Garxajis mudo haatan laga joogo sanad iyo lix bilood ayaa nagu dhashay, maalin walbana marxalad ayuu soo marayey, fikirkuna wuu iska soo daba dhacayey dadkuna way aqbalayeen inay munaasib tahay isku imaatinka beeshu si ay aayaheeda iyo danaheeda uga tashato.”

Jiif Caaqil oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “ Shirkii koowaad waxa uu dhacay dabayaaqada sanadkii aan soo dhaafnay waxaana la sii hir geliyey qaban qaabada iyo hir gelinta barnaamijka shirka, shirkii labaad oo ahaa mid kii hore ka mudakarsana waxa uu dhacay bishii aynu soo dhaafnay, Hargeysa ayaanu ka dhacay waxaana iskugu yimid culimo awdiin iyo aqoonyahan ay hormood u ahaayeen madaxda dhaqanku, waxaana shirkaas lagu go’aamiyey in la magacaabo toban xubnood oo ka soo jeeda dhaqanka kuwaas oo qaban qaabiya shirka guud ee beelaha garxajis.”

Sheekh Maxamed Cali Geedi oo isaguna ka hadlay furitaanka shirka ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay walaalaynta beelaha wada dashay waxaanu yidhi “Marka Ugu Horaysa Dhamman Tiin Waxaan Idinkula Dardaarmayaa Alle Ka Cabsi waxaana  farxad wayn Ii  ah In maanta ay halkan iskugu yimaadeen  dad badan oo shaydaanku kala kaxeeyay Oo Uu Ku Kala Dhex Jiray,Ilaahaybaa Subxaanahuu Watacaalaa Yidhi Shaydaanku Waxa Uu Faraa Dadka Xumaan,Ilaahaybaa Quraankiisa Inoogu Sheegay Inuu Yahay Cadow,Maantana Waxa Halkan Iskugu Imid Dad Diin Ku Walaalo Ah Dhiigna Ku Walaalo Ah Oo Shaydaan Kala Kaxeeyey Oo Taariikhdana Aan La Garanayn Wakhti Ay Isku Yimaadeen kuwaas oo  Maanta Isku Yimid Markaa Waa Farxad Aad Iyo Aad U Weyn,Ilaahay Ayaa Waxa Uu Yidhi Haddii Dad Walaalo Ahi Islaayaan Heshiisiiya, heshiiskana a Waxa Ku Jira Khayr"

Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo isaguna ka hadlay furitaanka shirkan ayaa ka hadlay aragtidiisa waxaanu yidhi “"Aad Iyo Aad Ayaan Maanta U Farax Sanahay Waxaan Ku Farax Sanahay Ergadan Faraha Badan Ee Kasoo Qayb Gashay Shirweynihii Guud Ee Garxajis Ee Markii Ugu Horaysay layskugu yimid, Shirku Wuu Inoo Furan Yahay Sida Uu Inoogu Furmayna Waan Ku Farax Sanahay Waxa Igu Jabsan Jidhidhico Aada Waxayna Iigu Jabsan Tahay Hadalo Hawadu Inagu Soo Duul Duulinaysay Oo Ahaa Garxajis Ma Shiri Karo balse haatan uu Shirayna waan ku faraxsanahay.”

Boqor Faysal oo isaguna ka hadlay shirkan ayaa waxa uu yidhi “Farxad Ayay Ii Tahay Inaan arko   Labeentii beesha  Garxajis Oo U Ban Baxday Inay Waayaheeda,MustaqbalKeeda iyo Danaheeda Ka Tashato,Shir Kani Waa Shir Dhaqan Waa Shir Beelweynta Qarxajis Oo Aan Anigu Amin Sanahay Inay Qaran Yihiin Aan Filayo inay Ayahooda Kaga Tashanayaan,Garxajis Abtirsigiisu Wuu Jiri Doonaa"

Ugu danbayna Suldaan Maxamed Cabdilaahi Xaaji Qabile oo ka hadlay shirka ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay iskaashiga iyo in wax la wada qabsado waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Dadka Wixii Wax Garanaya ayuunbaa wax isku tihiin, anaguna wixii wax garanaya ayaanu wax isku nahay.”