Wasiirkii Shaqo-gelinta Oo Ka Hadashay Guul-darrada KULMIYE Ee Doorashada, Tabashada Beesheeda Iyo Maxamuud Xaashi

0
513

Hargeysa (Geeska) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqo-gelinka, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Hinda Jaamac Xirsi (Gaani), ayaa ka hadashay Guul-darrada uu xisbiga KULMIYE kala kulmay doorashadii isku sidkanayd ee Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada.

Hinda Jaamac Xirsi oo Shalay Saxaafadda la hadashay, ayaa sidoo kale ka hadashay Tabasho ay sheegtay in Beesheedu ka qabto Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Hinda Gaani waxay sheegtay in Guul-darrada KULMIYE soo gaadhay aanay sababin Hoggaaminta Madaxweyne Biixi, balse Dadkii uu Talada ku aaminay ay sabab u yihiin arrintaasi, waxayna tidhi  “Guusha Qof keli ahi ma sababi karo, waxa sababa oo guusha keena Gacmo wada jira oo badan, waxaan is leeyahay Madaxweynuhu muu sababin (Guul-darrada) ee waxa sababay Dadkii uu ku halleeyay Talada, isagu Kursiga ayuu fadhiyaa (Madaxweynuhu), waa Qof keliya, agaasin iyo Maamul ayuu ku leeyahay, laakiin intayadii uu is lahaa iyagaa shaqada ku maqan, sidaasi darteed Tobankayagii ka ciyaarayey gudaha ayaa keenay Guul-darrada iyo in la naga badiyo, kabtanka kooxduna wuxuu ku khasban yahay inuu Guul-darrada kooxdiisa uu dhabarka u rito.”

Hinda Gaani oo la waydiiyey Tabashada la sheegay inay Beesha Bariga Burco ka qabto Madaxweyne Biixi, ayaa ku jawaabtay “Beeshaydu waxay ka mid tahay Beelaha Somaliland ee wax tabanaya, laakiin Meel ay Beeshayda iyo Madaxweynuhu ku gar-naqsadeen oo dhibaatadeeda iyo dhaliisheeda dhabarka loo saaray maan joogin. Madaxweynuhu intii aan Golaha ka mid ahaa Mar iyo lababa wuxuu u bandhigay Beeshayda inuu diyaar u yahay Wada-hadal, inuu saxo wax Alaale iyo wixii ay Tabanayaan ee sharci ah ee ay Xaq waddanka ugu leeyihiin.”ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay in la odhan karo in Maxamuud Xaashi uu Caawiyey Xisbiyada Mucaaradka ah, balse taas Macnaheedu aanu ahayn inuu Xisbi yahay “Haddii uu (Xisbiyada Mucaaradka) Gacan-siiyey (Maxamuud Xaashi) Shaqsi ahaan buu kula shaqeeyay, laakiin Xisbi maaha, Hase-yeeshee waxa shaqaynayey in ka faro badan, oo Karaamada uu Maxamuud Xisbiga ku leeyahay mid ka badan ku leh Xisbiga, markaa Kubaddu way naga hoos baxday ayuun baan odhan karaa.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office