Faysal C. Waraabe Oo Sheegay In Moorgan Oo Dhibaato Badan U Geystay Shacabka Somaliland Uu Ku Biirayo Baarlamaanka Soomaaliya

0
552

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Shacabka Somaliland iyo Dawladdooduba iloobeen Dadkii Godobka ka galay ee doorka ku lahaa Xasuuqii ay kula kacday Dawladdii Maxamed Siyaad Barre.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in markii Shacabka Somaliland iloobeen inay raadsadaan Dadkii Xasuuqa u geystay xilligii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre ay taasi keentay in xilligan la hadal hayo in Baarlamaanka Soomaaliya lagu darayo Generaal Moorgan, kaasi oo ku eedaysan inuu Gacan weyn ku lahaa Xasuuqii loo geystay reer Somaliland.

Faysal oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Muusiyam lagu ururriyo Taariikhda Somaliland oo ku yaalla Hargeysa, ayaa yidhi  “Dadkii ina Xasuuqay Adduunka ayay Tamashlaynayaan, Moorgan waad aragteen, hadda waxa laga baqayaa in aqalka sare Baarlamaanka Xamar loo soo sharraxo, eeg hadda, waa tiiq-tiiqsi, Waayo? Innaga ayaa Godobteennii daba-gali waynay, Shaqsiyaadkiina waalla wada garanayaa, haddana agteena ayay marayaan.”

Moorgan ayaa ahaa Taliyihii Qaybtii 26-aad ee Ciidammadii Xoogga dalka Soomaaliya ee oo Fadhiisinkoodu ahaa Magaalada Hargeysa, waxaanu ku eedaysan yahay inuu dhibaato badan u geystay Shacabka Somaliland.

Geeska.net/Hargeisa Office