Xisbiga WADDANI Oo Ka Digay In La Musuqmaasuqu Deeq Waxbarasho Caafimaad Ah Oo Dawladda Itoobiya Ku Caawisay Somaliland

0
652

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Walaac ka muujiyey in la musuqmaasuqo Deeq Waxbarasho Caafimaad ah oo Dawladda Itoobiya ugu deeqday Somaliland.

Xoghayaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhame oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa ka digay in la musuqo deeq waxbarasho oo ah takhasusaad dhakhtarnimo oo Dawladda Itoobiya ugu deeqday Somaliland, waxaanu Agaasimaha guud Wasaaradda Caafimaadka ugu baaqay inuu faraha kala baxo deeqdan isla-markaana Wasaaradda Caafimaadku ku wareejiso Guddida Taclinta sare ee Somaliland.

Xoghayaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme, oo arintan ka hadlay yidhi “Agaasimaha guud (ee Wasaaradda Caafimaadku) wuxuu markay Taariikhdu ahayd 08. 08. 2021 soo saaray warqad lagu naadinayo deeq Waxbarasho, takhasuusaad ay ina siisay Dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay, wixii Waxbarasho la xidihidha waxaa Qaranka uga masuul ah Wasaaradda Taclinta, Xeer Lr. 77/2018, Xeerka Waxbarahada qaranka, qodobkiisa 8aad wuxuu tilmaamay wixii tacliin sare ah, inay Masuul ka yihiin Guddida Taclinta sare, deeqaha Waxbarasho ee heer Jaamacadeedna inay iyagu maamulayaan, in nidaamka Dalwadnimo la Fawdeeyo maaha, deeqaha Waxbarasho ee dalka soo galaya in laga wada faa’iidaysto oo dadku u wada helaan si caddaalada ah,  si daah furnaan ah iyo sinaan ah ayaa muhiim ah, Wasaaradda Caafimaadku waxay ku leedahay door ah inay caawiso oo ciddii ku habboon la eegto cidda nidaamka dawladnimadu xaqa u siiyey.”

Xoghaye Dhamme waxa kale oo uu sheegay “Xisbi ahaan waxaanu u aragnaa nidaamkaasi inuu yahay nidaam fawdo ah, deeqahaasina aanay ahayn deeqo loo maamulayo si daah-furnaan ah, maaddaama markii horeba loo raacin hab-raacii iyo sidii ay ahayd in loo maamulo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Si caddaalad loo helo waa in daah-furnaan loo maamulaa, waxaanu ka digaynaa in deeqdaas qol madaw lala galo, loona maamulo loona qaybiyo cid aan xaq u lahayn. Waxaa dalka soo galay deeqo Waxbarasho oo tiro badan, inta aanu ognahay deeqo badan baa loo maamulay si aan habboonayn, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadkuna xaq uma laha inuu Xafiiskiisa ku qabto C.V-yada Dhakhaatiirta Somaliland, oo uu yidhaahdo anaga ayaa ka guranaya Shahaadooyinka, deeqdana anagaa ayaa maamulayna oo kala reebayna oo u dirayna Itoobiya”.

Mar uu farriin u diraayey Guddida Taclinta sare ee Qaranka wuxuu yidhi “Waxaanu soo jeedinaynaa Guddida Taclinta sare, haddii aanay shaqada awoodda u leedahay iyo qaranka waxay ugu igman tahay qaban karin waxaa habboon in aanay xafiiska ummadda ka lug goyn ee ay u banayso, waana in la ixtiraamo xeerka Waxbarashada iyo in la ixtiraamo Guddida Taclinta sare ee Madaxweynuhu uu Xeerka ku aasaasay. Deeqdaas Waxbarasho ee takhasusaadka ah waa mid aynu u baahan nahay, Dhakhaatiir badan oo takhasusaad ahna dalka ayaa u baahan, maaddaama ay baahi weyn oo caafimaad ay jirto, oo loo baahan yahay inaynu helno Dhakhaatiir intan ka badan, waxaanu soo jeedinaynaa in la dhex dhigo fursadan oo ay si caddaalad ah ugu tartamaan Dhakhaatiirta Somaliland, bari iyo galbeedba, ciddii doonaysa takhasusaadka si dhawna waanu ula soconaa, Agaasimaha guudna waxaanu uga digaynaa in aanu faraha la galin shaqo aanu isagu xaq u lahayn, Guddida Taclinta sare ee iyagu awoodda lihina waa inay iyagu qabtaan oo ay awooddaas fuliyaan”.

Waxa kale oo uu sheegay Xoghaye Dhamme “Waxaa jira Deeqo badan oo inta badan dadka madaxda ah iyo dadka awoodda lihi uga faa’iidayeen cidda ay iyagu doonayaan, Ardayga aanay Waalidkiisu dawladda ka midka ahayn ama aan ehelo ku lahayn ee iskii wax u bartay ee dedaalay ee Qaranka anfacaya, waxa habboon inuu helo Tacliin tayo ahaanba ku habboon.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office