Madaxweyne Xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Somaliya Iyo Khilaafka Xisbiyada Ee Ilaa Hadda Xalka Laga Gaadhin

0
214

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka Xisbiyada ee aan wali xalka laga gaadhin, wada hadalada Somaliya, iyo maalinta sannad guurada 59aad oo ku beegan maanta oo ah 26-june, oo ay Somaliland ka qaadatay Ingiriiska xoriyadeedii.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn ugu horeyn isagoo Xisbiyada Qaranka ayaa yidhi “Xisbiyadu waa kuwa soo saara Madaxweynaha, Dawladdaha hoose iyo Barlamaanka, dadkuna ay doortaan hadba cidda ay ku kalsoon yihiin, iyadoo Doorashada lagu kala guulaysto sida loo kala cod badan yahay, ee Xisbiyadu waa khilaafkooda meel iska dhigaan, oo ay soo saaran dadkii dadka u shaqeeyn lahaa, oo Xisbi waliba uu soo xulaa ciddii matalaysay haddii ay tahay Barlamaan iyo haddii ay tahay Dawladdo hoose iyo haddii ay tahay Madaxweynaba, oo ay taas ka fikiraan, ee I jiid aan ku jiide waa gacamo daalis, khilaafka Xisbiyada oo sii jiitama niyad jab baa ka imanaya, ee waa inay Xisbiyadu miiska wada hadalada iskugu yimaadan, oo xooga saaran sidii xal u gaadhi lahayn, si Doorashadu inoogu dhacdo, Doorashada oo dhacdana Somaliland waa u dan, Caalamkuna uu inoogu soo istaagaya, waanu inagu qiimaynayaa, markaas waa inay Xisbiyadu heshiis gaadhan”

Mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliya iyo Somaliland ayaa yidhi “Somaliya markii aynu isku darsanay,  mid bay ahayd,markaas waxaa isku biiray Somaliland iyo Somalilya, balse maanta Somaliya  waxay u kala  baxday Puntland, Juba Land, Gal-mudug, Koonfur Galbeed, intubana Maamulka Muqdisho kama amar qaatan, markaas Somaliyadii hore waxay u kala baxday shan meelood, inaynu wada hadalaana aad bay u adkaanaysaa, waa loo baahnaa inaynu wada hadalno waliba ka wada hadalno sidii aynu u kula guran lahayn wixii iskugu keen hadhsanaa, waxaa muhiima ah in haddii Somaliland iyo Somaliya wada hadlayaan inay Beesha Caalamku goob joog ka ahaato halka lagu wada hadlayo, laakiin cid aynu Somaliya kala la hadalnaba garan mayno, madaama Somaliya Shan qaybood u kala baxday, haddii aanu dib ula soo laabanay xoriyadii naga luntay, waxaa muhiim ah inaanu dantayada ka shaqeeyno, mar bay caadifadi na qaaday, oo bilaa shuruud aanu kula midawnay Somaliya, balse cadaafid dambe na qaadi mayso, Somaliyana niyada ha ka saarto in dib dambe Somaliland ula midawdo, Calankaas tawxiidka ah ee Somaliland  lagamo yaabo in la dajiyo, ee Somaliya waxaanu leenahay aynu ahaano dalal jaara ah”.

Mar uu ka hadlaayey maalinta 26-june ayaa yidhi “Sannad guurada 26-june, ee 1960, waa maalintii ay Somaliland xoriyadeeda ka heshay Ingiriiskii, oo hadda waxaa laga jooga 59 sanno, markaas inagu Somaliland ahaan maxmiyad baynu ahayn, halka Somaliya uu Talyaanigu guumaysan jiray, inagu markaas Somaliya waxaynu isku biirnay inagoo kala ah laba dal, waxaynu inagu raadinaynay Shantii Somaliyeed, laakin taasi suurgal wey noqpn weyday, nasiib darana inagu weynu ku hungawnay midawgaas, cadaadis iyo cadawaad si gaar ah kadib ayeynu dib ula soo noqonay xoriyadeena, markaas maantana Somaliya waxaynu kala nahay laba dal oo kala madax banaan”.

Mar uu ka hadlaayey kala duwanaashaha Somaliland iyo Somaliya yidhi “Tan iyo 1991, markii aynu madax banaanideenii iyo dawladnimadeenii dib u helnay, dadaal dheer oo aynu soo galnay, duruufo iyo marxalado adag ayeynu ka soo gudubnay, Xukuumad kasta oo dalka ka soo martay meel bay soo gaadhsiiyey horumarka iyo taladda dalka, oo hadba Xukuumadda kale ee dhalata ayaa halkaas ka sii qaadaysay,horumarka iyo nidaamka dawladeed,nidaamkii qabaliga weynu ka gudubnay, nidaamkii Axsaabta ayeynu qaadanay, dal Dimuqraadiya ayeynu noqonay, Dastuur baynu yeelanay, Doorashooyin kala duwan ayeynu soo galnay, dadkeena ayaa si xor ah Doorashada u gala, oo hadba cida ay doonayaan codkooda siiya, heerka aynu marayno iyo heer u dhaw toona Somaliya mari mayso, oo waa intaas oo maamul ayey u kala go’day, nidaamka Barlamaankooda iyo Madaxweynahooda loo doortana weynu ognahay, markaas maanta waxaa qudha ee inaga dhimani waa aqoonsi buuxa oo aynu ka helno Caalamka, ee Beesha Caalamku waa inay na siiyaan Aqoonsiga nagaga xidhan”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.