Wasiirkii Hore Ee Ganacsiga Oo Bulshada Ugu Baaqay Tacab Ay Ku Beertaan Dhulkooda

36
2879

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka hadlay sahaminta Shidaalka ee deegaano ka tirsan Gobolka Saaxil, oo muran iyo is afgaran waa ka dhashay, ayaa wuxuu sheegay in haddana wax carqalad ah oo jirta aanay jirin, oo si wanaagsan la isku afgartay, waxaanu xusay in sahaminta Shidaalku ay Somaliland mustaqbal fiican u leedahay.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay abaarta deegaano ka tirsan Somaliland ka taagan, waxaanu guud ahaan Shacabka ugu baaqay inay la yimaadan tacab iyo dadaal ay wax ku beertaan, waxna kula soo baxaan, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay arinta shidaalka “Arinka Shidaalku waxaan ognahay in ilaa hadda si fiican u socoto, wax carqalad ahina imika ma jirto, hawshiina si wanaagsan baa la iskugu afgartay, mustaqbal fiicana wey inoo leedahay, wixii dalkeena horumar u keenaya, dadkeenana waxtar u leh maaha inaynu caqabad ku noqono”

Wasiirkii hore ee Ganacsigu mar uu ka hadlaayey abaarta ayaa yidhi “Umad kasta iyada ayaa tacab iyo dadaal la timaada, oo wax qabsata, cidna waxba looga qabto, ilaa ay dadaal, dhaq-dhaqaaq iyo juhdi la timaado mooye, waxaana Caalamka la isku qiimayaa sida uu Wadan kastaaba wax u qabsaday,sidaas oo ay tahay haddii aynu inagu tacab la nimaadno, oo wax soo saar la nimaadno, oo dhulkeena wax kala soo baxno, isla markaana aynu ku dadaalno inaynu biyaha roobka ka faa’iidaysano, wax badan oo caalamka inooga yimaada ayeynu ka maarmi lahayn,inkasta oo ALLE wax walba og yahay, haddana waxaynu ka baryeynaa nimco iyo madar khayr qaba, iyo inuu abaarta ka jirta meelo ka mid ah Somaliland inuu ka dulqaado, waxaana ku baaqayaa guud ahaana ka codsanaya bulshada in dadkeena ay abaaruhu hayaan inaynu u gurmano, oo aynu wax tarno, oo wixii karaankeena iyo awodeena ah haba yaraate waa inaynu tarnaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here