Dab Iyo Cadho

31
3040

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 25aad)

Laakiin shaqalihiisu waxa ay fahmeen dhibaatada arrintani keeni doontaa in aanay noqon doonin oo keliya, khilaafka ka imanaya dhinaca sharciga, tussaale ahaan dhibaatada sharci ee ka dhalanaysa in uu wiilka uu sodogga u yahay ka shaqaalaysiiyo Aqalka Cad, balse ay jiraan dhibaatooyinkii horeba u jiray oo ay tanina sii biirin doonto.

Trump waxa uu mudnaanta koowaad siiyaa, waa qoyskiisa. Laakiin cadaadis badan oo la saaray kaddib, ugu yaraan waxa uu ogolaaday in aanu wiilka uu sodogga u yahay ka dhigin madaxa shaqaalaha Aqalka Cad – Haddii si kale loo dhigo, wiilkaasi shaqadaas imikaba si dadban ayaa uu u hayaa, waxa se uu Trump ogolaada waa ugu yaraan in aanu si rasmi ah ugu magacaabin shaqadaas.

***

Mar haddii Barrack iyo Kushner oo ah labada uu doonayey Trump, ay xilkan Madaxa shaqaalaha aqalka cad waayaan, Trump waxa ay la’ ahayd in uu u dhiibo guddoomiyaha gobalka New Jersey, Chris Chirstie oo isaga iyo Rudy Giuliani, ay ahaayeen labada qof ee dhinaca siyaasadda ugu waayoaragnimo badnaa, marka la barbar dhigo dhammaan saaxiibbada kale ee Trump ku xeeran. Christie, sida qaar badan oo ka mid ah saaxiibbada kale ee Trump ahaayeen, isaguna waxa uu marna la dhacsanaa marna ka soo horjeedsanayey Trump madaxweynenimadiisa. Toddobaadadii u dambeeyey ee ol’olaha, Trump waa uu quudhsaday Christie iyo ganacsigiisa ay sii kala fogaanayeen. Laakiin uu guulaystay, waxa ku beermay dareen kale oo ah in uu u hammuum qabay in uu saaxiibkii Christie dib ugu soo noqdo.

Trump iyo Christie waxa ay aad isugu xidhmeen maalmihii Trump iskudayey in uu noqdo shakhsiga ugu magaca weyn ciyaarta khamaarka ee magaalada Atlantic city, in kasta oo uu ku guuldarraystay. (Trump muddo dheer ayaa uu loollan ugu jiray in uu kaalintan gaadho isaga oo niyadda ku haya kana cabsi qaba in aanu la tartami karin, Steve Weynn oo ahaa nin ciyaarta khamaarka ee Las Vegas isagu ugu magac weyn, imika Trump ninkaas Weynn waxa uu u magacaabi doonaa guddoomiyaha dhaqaalaha ee guddida heer qaran ee xisbiga jamhuuriga, RNC.)

Trump hore ayaa uu saaxiibkii Christie uga taageeray dhinaca siyaasadda. Waxa ay ahayd markii uu Christie doonayey in uu ku soo baxo siyaasadda gobalka New Jersey. Waxa uu aad ula dhacsanaa Christie iyo qaabka tooska ah ee uu u hadalo. Sida Christie qudhiisuba filayeyna, markii uu doonayey in u uu tartatamo madaxweynenimada sannadihii 2012 / 2013 ka, xitaa Trump waxa uu ka fikirayey suurtagalnimada in Christie uu u noqdo madaxweyne ku-xigeen. Sida uu caddeeyeyna ma’ uu doonayn in uu tartan xisbiga dhexdiisa ah madaxweynenimada kula galo saaxiibkii. Laakiin waxa uu rayigaas beddelay, markii ay dhacday fadeexaddii biriishka ee ‘Bridgegate’ ee sababtay in Christie ka hadho tartanka madaxweynenimada ee xisbiga jamhuuriga dhexdiisa. (Fadeexadda Bridgegate, waxa ay dhacday markii qaar ka mid ahaa gacanyareyaashii aad ugu dhowaa Christie ay xidheen haadadka xawaaraha sare loogu talagalay ee biriishka George Washington, si ay u dhaawacaan duqa magaalada ku dhow, oo ahaa ninka la tartamaya Christie. Fadeexaddaas Trump waxa uu ku difaacay in ay iska ahayd uun xeeladaha siyaasadeed ee gobalka New Jersey’)

Markii Christie bannaanka uga baxay tartanka bishii labaad ee 2016 kii, ee uu bilaabay in uu la shaqeeyo ol’olaha Trump, waxa uu u adkaystay xaqiraad sida daadka ugu hooraysay, ah oo ka dhalatay taageerada uu siiyey saaxiibkii oo dad badani ka diidanaayeen. Waxa se uu isagu aaminsanaa in uu si cad ugu ballanqaaday in uu ka caawin doono sidii uu madaxweyne ku xigeen ugu noqon lahaa.

Si shaqsi ah ayaa ay Trump xanuun ugu noqotay in uu awoodi kari waayey in uu Christie ka dhigto ku xigeen. Laakiin haddii aanu xisbiga jamhuurigu doonahayn Trump, macnaheedu waa in aanay Christie laftiisana sidaas oo kale u doonayn.  Sidaa awgeed Christie markii dambe shaqadiisu waxa ay ku soo ururtay in ay hoggaamiyo kooxda waqtiga kala guurka ee Trump la shaqaynaysay inta uu xilka la wareegayo, iyo filasho aanu hubin oo ahayd in loo magacaabi doono xil muhiim ah – Xeerilaaliyaha guud ama madaxa shaqaalaha guriga cad. Laakiin taasna arrin kale ayaa ka hor istaagaysay. Markii uu ahaan jiray xeerilaaliyaha heer federaal ee gobalka New Jersey, Christie waxa uu sannadkii 2005 xabsiga u diray Charles, Kushner oo ah ganacsadaha dhalay wiilka uu Trump sodogga u yahay. Dawladda Federaalka ayaa raadinaysay Charlie Kushner oo ay ku eedaynaysay in uu khiyaamo ku sameeyey cashuurtii dakhliga ee ku waajibtay, in kasta oo uu Charlie ka badbaaday xukunkii ku dhici lahaa, kaddib markii uu dejiyey mu’aamarad uu gabadh dumarka jidhkooda ka ganacsada ka mid ah kula heshiiyey in ay sumcad disho, seedigii, oo diyaar u ahaa in uu ku markhaati furo, sidaa awgeed markhaati loo waayey khiyaamadiisa xukunkii ku dhici lahaana uu sidaas kaga fakaday. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here