Wasiir Kaahin Oo Soo Bandhigay Tirada Ku Dhimatay Colaadda Ceel-Afweyn

27
2755

Ceerigaabo(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay si rasmi ah u shaacisay tirada rasmiga ah ee ku geeriyootay dagaalada micno darada ah ee deegaanada Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag dhawr goor ku dhex maray laba beelood oo walaalo ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, oo gaadhay Degmada Ceel-afweyn si xal kama dambays ah loogu helo dagaalkan u dhexeeya beelahan, ayaa sheegay in dagaaladan ay ku geeriyoodeen 37 ruux oo shacab ah iyo hal askari oo ciidamada ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafay 70 ruux. “Maalintii dhawayto ayaanu xisaabinay 37 qof oo shacab ah iyo hal askari oo dhimasho iyo tiro kor u dhaaftay 70 oo dhaawac ah weeye.” ayuu yidhi Wasiir Kaahin oo bulshada labadan beelood ku waaniyay inay daacad ka noqdaan sidii dhibaatadan xal waara loogu heli lahaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here