Dagaallada Israa’iil: Guushii Bilowgii Ee Yuhuuda, Farxadeedii Ma’ Ay Waarin

0
1711

Picture3Hordhac:

Dagaalkaas waxa ay Israa’iil ku guulaysatay in ay tirtirto saldhigyo ay naftood-hurayaal reer Falastiin ahi ku lahaayeen woqooyiga webiga Laydaani, oo 10 kilomitir gudaha u gashan xadka Lubnaan, waxa aanay goobtaas ka dhigtay meel ay ku magacowday, Deegaan ammaan oo maamulkiisa ay u dhiibtay jabhaddii la baxday Ciidanka Koonfurta Lubnaan ee ay Israa’iil dhistay si ay ula dagaalamaan dowladda Lubnaan. Dagaalkani waxa uu socday muddo toddoba maalmood ah, waxaana ku dhintay qiyaas ah 1’160 qof oo Lubnaani iyo Falastiini ahaa, waxaa baro-kacay tobannaan kun oo ah Lubnaaniyiintii deggenaa tuulayaasha iyo magaalooyinka deegaankan, khasaaraha dhinaca Israa’iil soo gaadhayna waxa uu ahaa dhimashada 20 Askari oo keliya, taas oo la fahmi karo in sababta ugu badan ee keentay ay ahayd awoodda xad dhaafka ah ee ay Israa’iil adeegsatay gaar ahaan dhinacyada diyaaradaha, gantaalaha iyo madaafiicda iyo iyada oo iska ilaalisay in ciidamadeedu ay fool-ka-fool uga hor yimaaddaan kooxaha hubaysan ee Lubnaan iyo Falastiiniyiinta.

Qabsashadii Lubnaan (1982):

Qabsashadii ay ciidamada Israa’iil gudaha ugu galeen dalka Lubnaan oo ahaa hawlgal milateri oo ballaadhan, ayaa ahayd dagaalkii labaad ee ay isku heleen Israa’iil iyo dagaal-yahannada wax-iska-caabbinta hubaysan ee Falastiiniyiinta, sidoo kale waxa uu ahaa dagaalkii ugu dambeeyey ee Israa’iil iyo Falastiin ku dhex mara dal kale oo Carbeed. Dagaalkan ciidamada Israa’iil waxa ay ku guulaysteen in ay gudaha u wada galaan Lubnaan, waxa aanay isku xeereen magaalada caasimadda ah ee Beirut oo ay muddo saddex bilood ah go’doon ku hayeen, kuna garaacayeen gantaallo iyo madaafiic ay kaga soo ridayeen dhinaca badda iyo berriga labadaba, taas oo aakhirkii keentay in hoggaankii sare ee ururka xoraynta Falastiiniyiintu ogolaaday hindise ahaa in marin aamin ah loo banneeyo ciidamada hubaysan ee wax-iska-caabbinta si ay uga baxaan Lubnaan, heshiiskan waxaa ka shaqeeyey oo dhex-dhexaadintiisa lahaa dalka Maraykanka. Dagaalkaas waxaa ku dhintay 14 kun oo qof oo isugu jira Lubnaani iyo Falastiiniyiin, halka Israa’iil ay kaga dhinteen 400 oo qof.

Markii uu dhammaaday kacdoonkii labaad ee Falastiiniyiinta oo sida aynu hore u soo xusnay ahaa intii u dhaxaysay sannadihii 2000 illaa 2004ta, waxaa bilowday weji kale oo isagu milateri ahaa, Israa’iil laba dagaal ayaa ay ku qaadday wax-iska-caabbinta Falastiiniyiinta oo markan ay wajaahadda hore u taagnaayeen kooxda la baxday guutooyinka Shuhadada Aqsa iyo Guutooyinka Dib-u-noqoshada oo labadbu ka tirsan ururka FATAX iyo guutooyinka Cizzu-ddiin Al-Qassaam oo iyaduna raacsan ururka Xamaas iyo kooxo kale oo iyaguna hubaysan. La soco…

Qaybtii 1-aad halkan riix