Wasiirka Ganacsiga Oo Taageeray Go’aanka Dp World, Ganacsatadana Isugu Daray Hanjabaad Iyo Amar

0
1320

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad  Saajin ayaa ganacsatada dalka amray inay dekeda Berbera kala baxaan dhammaan alaabtooda haddii kale ay mutaysan doonaan kordhin iyo ganaax wada socda.

Waxa uu wasiirku sheegay in DP WORD ay u soo gudbisay cabasho la xidhiidha sarifka oo ay ku qabeen khasaare balaadhan sida uu sheegay waxaanu carabka ku dhuftay inay shirkadan maamusha dekeda Berbera ay ka saxan tahay ganacsatada. Wasiir Saajin waxa uu sheegay  in DP WORLD ay kordhin doonto markalena qiimaha doolarka iyo lacagta dalka isku badalkeeda si ay ula socdaan suuqa sarifka ee lacagaha ee saxda ah.

Wasiirka ganacsiga oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi“ Markaanu dhagaysanay cabashooyin is daba joog ah oo ka yimi DP WORLD lana xidhiidha adeega ay qabtaan markaan eegnay, markaanu la tashanay wasaarada maaliyada waxa cadaatay in DP WORLD dacwadii ay soo jeediyeen ay tahay mid sax ah. anaga oo eegayna marka wax lagu dhawaaqo  culayska uu leeyahay DP WORLD waxa aanu ka dalbanay dalabaadkooda inay laba jeer u kala gooyaan oo ah bisha saddexaad 12-keeda laga bilaabo tafaariiqdoodu ay noqoto halkii ay 7000 SHL  ka ahayd 8500 SHL halkii doolarba, 12 bisha lixaadna ay ku macaamili doonaan sicirka suuqa, sababtuna waxay tahay markii ay soo galeen suuqa sarifkan doolarka iyo shilinku todoba kun ayuu ahaa sarifkii waa uu kacay, laakiin iyagu halkii bay fadhiyeen markaanu dhuuxnay arinta meesha taalana waxaanu u aragnay inay sabir badan muujiyeen, sidaas daraadeed waxaanu u ogolaanay inay xaq u leeyihiin maadama oo iyaga laftigoodu ay ganacsato yihiin ay sicirka suuqa ku macaamilaan, sicirka suuqana umaanu ogolaan mar kaliyaata  inay soo boodaan ee laba jeer ayaanu ka dhignay.”

Waxa uu wasiirka ganacsigu ku dhawaaqay“Waanu ognahay dad badan oo cabasho ka muujinaaya cabashadaasi marka dhanka suuqa loo eego dhinaca caqligana loo eego waa cabasho madhan, maxaa yeelay ganacsatadu waxii ay ku iibinaysay markii doolarku todoba kun ahaa imika toban kun oo shilin ayuu noqday, markay adeegii bixinayaana todoba ayay u celinayaan saddexdiina meeshii ayay ka maqan tahay taasi waxay ku keentay khasaare badan DP WORLD iyo dawladaba. Waxaan amar ku siinayaa ganacsatada alaabteedii kala bixi la’ dekeda iyaga oo ku andacoonaya arintan inay si degdeg ah ugala baxaan, hadday ugala bixi waayaana waxa xaq ku noqonaaya oo ay mutaysanayaan kordhin iyo ganaax. waa sharci arintani waana in sideeda loo fuliyaa .”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here