Ergayga Lagu Bedelay Danjire Augustine Mahiga Oo Sheegay Inuu Dhawaan Kulan La Yeelan Doono Madaxweyne Siilaanyo

0
583

Picture6Hargeysa(Geeska)-Danjire Nicholas Kay, oo ah diblomaasiga hoggaamin doona hawlgalka cusub ee ay Qaramada Midoobay ku bedeshay UNPOS oo la yidhaahdo UNSOM, ayaa sheegay inuu dhawaan kulan la yeelan doono Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saareen Hawlgalka Qaramada  Midoobay u qaabilsan Kaalmada Soomaaliya (UNSOM), oo nuqul ka mid ah uu Geeska Afrika soo gaadhsiiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa, ayaa waxa lagu sheegay in danjire Kay, markii uu Muqdisho gaadhay uu ku bogaadiyay ergaygii ka horeeyay ee Mahiga,  “Waxaan bogaadinayaa Dr. Mahiga iyo shaqaalihii UNPOS. Waxay dhammeystireen hawshooda, waxayna ku faani karaan guulaha ay soo hoyeen. Maanta waxaa bilaabmay waa cusub oo u baryay Qaramada Midoobay iyo UNSOM oo ah hawlgal cusub.”  Sidaas ayuu yidhi, waxaanu isagoo ka hadlaya kulanka Madaxweyne Siilaanyo uu la yeelan doono uu yidhi “Maalmaha soo socda waxaan la kulmi doonaa Mudane Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaa kaloon la kulmi doonaa saaxiibo badan oo kale oo ku hawlan taageerada waddanka, gaar ahaan bulshada rayidka Soomaaliyeed.”

Isagoo ka hadlaya xafiisyada uu hawlgalka uu hoggaaminayaa ka furan doono Hargeysa, wuxuu diblomaasigani yidhi, “Waxaan daneynayaa oo aan ku talajiraa inaan xidhiidh adag la yeesho dhammaan dadka ka shaqeynaya maslaxadda dadka Soomaaliyeed. Marka ugu horeysa, shaqaalahayagu waxay saldhig ka dhigan doonaan magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Garoowe iyo Baydhabo, waxaana ka go’an inay la shaqeeyaan dhigooda Soomaaliyeed.”