Lafaha Gur Xarragana Ha KaTegin. Jamal Madar London, UK

1
775

picture 1Maqaalkani wuxuu daba socdaa eedayntii Universal TV laga baahiyey ee ahayd in madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo aanu daacad ka ahayn in Somaliland la ictiraafo. Waxaynu halkan ku caddeynaynaa oo dadka soo hor dhigaynaa inuu Siilaanyo yahay madaxweynihii ugu horreeyey ee qaada tallaabooyin wax-qabad ah oo la taaban karo oo la xidhiidha dhammeystirka qaranimada iyo gooni-isu-taaga Somaliland. Haddaad is-lahayd Somaliland waxay ahayd waddan qaran imadiisu taam tahay Siilaanyo ka hor, dib uga fiirso.

 Waxaynu soo qaadaynaynaa afar arrimood oo ay xukuumaddan Siilaanyo dhidibada ugu sii taagtay qaranimada Somaliland oo saddex ka mid ah laga warhayo balse aanay dadka badankoodu dhaadin qiimaha iyo macnaha ay u leedahay sugidda iyo kor u qaadida qarnimada iyo gooni-isu-taaga Somaliland . Ta afaraad waxaynu ku soo qaadanaynaa dhacdo la yaab leh oo aan filayo inaan xataa hoggaanada xisbiyada mucaaradku aanay ka warhayn oo iftiiminaysa sida uu madaxweynuhu u fakarayey habeenkii uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska David Cameron iyo cadaadiskii laxaadka lahaa ee dhinac kasta kaga yimi inuu aqbalo shirkii arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayey ee London lagu qabtay 7dii May 2013.

 1. Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Alle ha u naxariistee, markii uu ku soo rogay waddanka in si sharciyan ah wax lagu kala iibsado lacagta Somaliland oo meesha laga saaro lacagtii Soomaaliya wuxuu qaaday tallaabadii ugu horreysay oo ah astaan muujinaysa qaranimada iyo madax-bannaanida waddan lagu yaqaano hase ahaatee tallaabadaas uu qaaday Cigaal umay suuragelin inuu dhammeystiro. Xukuumaddii ka dambeysay ee Daahir Riyaale ee talada waddanka siddeed sannadood haysayna kumay guulaysan in lacagta Somaliland la wada gaadhsiiyo waddanka oo dhan.

 Sidaa awgeed, qaranimada iyo madax bannaanida Somaliland waxay ahayd mid kala dhantaalan illaa iyo intii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal soo rogay lacagta cusub oo waddankeenu wuxuu noqday waddan madax-bannaani iyo qaranimo afka ka sheeganaya hase ahaatee laba lacagayow laga kala isticmaalo- (One Country, Two Currencies) Giimbaarta  iyo Shilinka Somaliland. Marka si kale loo dhigo innagoo weligeen sheeganaynay madax-bannaani iyo qaranimo ayuu haddana waddankeenu dhinacna Soomaaliya ahaa, dhinacna Somaliland ahaa sabatuna ay ahayd waddanka oo aan Shilinka Somaliland laga wada isticmaalayn. Gobollada Bari ee Somaliland sarifka lacagtooda (giimbaarata) oo weliba musayaf ahayd (counterfeit money) waxa sannado fara badan laga goyn jiray Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho maadaama Soomaaliya aanu Bangi Dhexe ka jirin halka gobollada Somaliland intooda kalena uu sarifkooda goyn jiray Bangiga Dhexe ee Somaliland.

Sidaa awgeed, waddan ahaan qaranimadeena iyo madax-bannaanideena xagga lacagtu (Monetary Sovereignty) waxay ahayd mid war walba  kala dhantaalan taasina waxay had iyo jeer shaki iyo su’aal gelin jirtay illaa xadka aynu daacad ka nahay goon-isu-taaga iyo qaranimada aynu sheeganayno.

Haddaba xukuumadda Siilaanyo waxay ku guulaysatay in lacagtii giimbaarta laga beddelo gobollada Togdheer iyo Sanaag. Sidaa awgeed wuxuu Siilaanyo gaadhsiiyey waddanka madax bannaani xagga lacagta ah (Full Monetary Sovereignty) oo ka badh ah qaranimada iyo aqoonsi raadiskaba.

Shalayto waxay ahayd Somaliland waddan qudha oo laba lacagayow laga isticmaalo (One Country, Two Currencies) maantana Somaliland waxa weeye waddan qudha oo lacag qudha laga isticmaalo (One Country, One Currency). Waa madax bannaani nooc kale ah oo ay Somaliland gaadhay oo mudnayd in loo dabbaal dego balse aanay dadka badankoodu dhaadin ama fahamsanayn qiimaha iyo qaayaha ay u leedahay qaranimada iyo gooni-isu-taaga guud ee Somaliland . Malaha mucaaradka laf ahaantooda ayaanba fahmsanayn muhiimadda madax-bannaanida lacagtu (Monetary Sovereignty) ay qaranimada iyo aqoonsigaba u leedahay. Lacagtaa aan dalka la wada gaadhsiin waxay ahayd dalool weyn oo qaranimada Somaliland ku yaallay oo xukuumaddani gufeysay.

2. Xukaamadda Siilaanyo waxa kale oo ay ku guulaysatay oo ku dhiiratay inay qaado tallaabo ay xukuumadihii ka horreeyey oo dhami ku dhici wayeen oo ah bixinta darajada ciidamada Somaliland oo ah astaan kale (military rank and insignia) oo dhidibada u sii taagtay qaranimada iyo madax bannaanida Somaliland . Labaatankii sannadood ee ugu dambeeyey ciidamada Somaliland darajo may lahayn waxayna cadowga Somaliland ugu sheekeyn jireen waddamada reer galbeedka in Somaliland aanay goosashadu ka dhab ahayn balse Somaliland iyo Somalia ay dib isugu soo noqon karaan darajadaas aan muddada dheer la bixin awgeed. Taasina immika meesha way ka baxday oo kuwii fikirkaa qabay iyo kuwii laga dhaaciyeyba waxay yiqiinsadeen immika in Somaliland iyo Somalia sii kala durkeen maalintii darajada la qaybiyey. Madaxweynuhu markuu tallaabadaa qaaday wuxuu gufuuyey dalool kale oo aad u weyn oo qaranimada Somaliland iyo gooni-isu-taageeda ku yaallay.

3. Bishii May 2dii, 2013, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay si khiyaamo ku jirto u soo xidheen qamiiska buluuga ah ee QM Hay’adda loo yaqaano UNSOM oo awoodeedu ka ballaadhan tahay tii loo yaqaanay UNPOS oo uu Augustine Mahiga madax ka ahaa.

Hay’addan cusub ee UNSOM ee qamiiska buluuga ah loo soo xidhay waxay isugu dhex jirtay qayb siyaasadeed iyo qayb samafal iyo horumarineed. Xukuumadda Siilaanyo intay si fiican isaga eegtay waxa ku dhex qarsoon qamiiska buluuga ah ee QM ayey si xarfad leh qaybtii hay’adaha samafalka iyo horumarineed u qaateen oo runtii waddanka u baahan yahay hase ahaatee waxay si cad u diideen qaybtii kale ee siyaasadda oo ujeedadeedu ahayd in ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, Nicholas Kay, in UNSOM xafiiskeed siyaasadda (UNSOM’s Political Office) laga furo Hargeysa.

Madaxweynuhu wuxuu go’aankaas uu qaatay uu ku macneeyey “inaanu ka turjumayn baahida dalka isla markaana uu ka hor imanayo madax-banaanida iyo qaranimadda Somaliland . Wax allaale iyo wixii ka hor imanaya dastuurkayaga iyo xoriyadda Somaliland xukuumaddani ma oggola”. Go’aankaasi wuxuu ku ahaa ergayga QM Nicholas Kay dhirbaaxo wejiga lagala eegtay. UNSOM waxa u qorshaysnaa in xafiisyo siyaasadeed ay ka furato Muqdisho, Garowe, Baydhabo iyo Hargeysa si markaas ay Nicholas Kay ay ugu suuragasho inuu markiiba ka hawl galo barnaamijkiisa ugu weynaa oo ah dhisidda iyo horumarinta nidaamka federaalka ah ee loo sameynayo Soomaaliya.

 Haddii ay Somaliland aqbali lahayd arrintaas waxa qranimadeena ku habsan lahaa burbur dibloomaasiyadeed oo aan si fudud looga soo kabteen. Haddii xafiiskaas siyaasadda la inaga dhex furan lahaa waxa suuragal ahaan lahayd in haddii la inoogu taag waayo ku soo biirista nidaamka federaalka ah in xataa ciidamo AMISOM  ah la keeno dalka oo xoog la inugu  muquuniyo.

 Dib u halacso taariikhda: Ergaygii gaarka ahaa ee Xoghayaha Guud ee QM ee la odhan jiray David Stevens ee isna u dhashay waddanka Ingiriiska wuxuu saddex sano ka hor Somaliland ku sifeeyey: “Qabiil God Dacawo Ku Jira oo La Baxay Magac Qurux Badan [Dhalanteed ah]” [A clan “fox hole” with “fancy name”]. Waxay ahyd hanjabaad ah meel kasta waan idinka soo oodi karaa. Arbacadii bishii March 8dii, 2000, ayuu David Stevens madaarka Hargeysa ka soo degay isagoo raba inuu madaxweynaha Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal la kulmo. Cigaal wuu diiday inuu wejiga siiyo wuxuuna ku amray wasiirkii arrimaha gudaha inuu Stevens tuso albaabka laga baxo ee madaarka Hargeysa. Nicholas Kay waa ergay kale oo David Stevens ay isku dal ka soo wada jeedaan oo isku xilna ah oo Somaliland si kasta oo loogu soo dabbaali karo nidaamka federaalka isku dayaya. Xafiiska siyaasadda ee QM waa meesha uu dagaalka ugu weyni uu kaga socdo Somaliland ee had iyo jeerna warbixino majaro habaabis ah ka bixiya Somaliland  kuwaasoo loo gudbiyo Golah Amniga, Midowga Yurub iyo Midowga Afrikaba iwm.

 Waxa aan shaki ku jirin in go’aankaas ay xukuumaddani gaadhay inuu yahay mid kale oo sax ah oo qaranimada iyo gooni-isu taaga Somaliland dhidibada u taagaya..

4. Qodobka afaraad waxaynu ku soo qaadaynaynaa dhacdo muujinaysa in madaxweynaha aanay cidina uga daacadsanayn qaranimada iyo madax-bannaanida Somaliland  iyo ictiraafkiisaba. Anigu ma garanayo dhacdadan soo socota mid ka fiican oo tusaale ahaan loo soo qaadan karo oo shacabka Somaliland loogu muujin karo daacadnimada madaxweynaha. Bal hadda si fiican u dhuux qidcaddan soo socota:

Fiidkii Maalintii Arabcadii ee 17kii April 2013, Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ayaa xafiiskiisa 10 Downing Street kulan deg deg ah kula yeeshay madxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay weheliyaan wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali.

17kii April 2013, waxay ahayd maalin ay dowladdu Ingiriisku baroor diiq ugu jirtay geeridii ku timid hoggaamiyihii hore ee Ingiriiska, Margaret Thatcher, oo maalintaas aaskeed loo fadhiyey. Waxa David Cameron maalintaas marti u ahaa 11 Ra’iisul wasaare, 17 wasiiro arrimo dibadeed, iyo ergo kale oo aad u farabadan oo waddamadooda wakiilo uga ahaa ka qaybgalka aaskaas qaran. Marnaba suuragal uma ay ahayn inuu David Cameron cid kale arko haddana waxa loo sameeyey madaxweynaha Somaliland waqti qasab ah iyadoo madaxdii kale ee caalamku oo dhami ay saf ugu wada jiraan David Cameron oo ay sugayaan. Muhiimadda intaas le’eg ayaa la siiyey madaxweynaha Somaliland . Dabcan waynu garanaynay wuxuu sida ba’an uu David Cameron uga doonayey inuu madaxweyne Siilaanyo la kulmo. Wuxuu doonayey inuu ku qanciyo madaxweynaha in Somaliland ka soo qayb gasho shirkii arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayey ee London lagu qabanayey 7da May.

Kulankaas gaabnaa wuxuu David Cameron ku wargeliyey Siilaanyo in uu hadal hore uga dhacay oo aanu kelmadiisii dib ugu noqon karin- hadalkaas oo ah in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay shirka arrimaha Soomaaliya lagaga wada hadlayo ee May 7da ay si wada jir ah u guddoomiyaan. Madaxweyne Axmed Siilaanyo isna dhankiisa wuxuu u sheegay David Cameron in aanu dalkiisa khusaynin shirka London, waxaanu tilmaamay in tallo qaran oo Somaliland ka yeelatay shirkaasi ka dib la go’aansaday inaanay meeli uga banaanayn Somaliland shirka Soomaaliya ku saabsan ee Ingiriiska lagu qabanayo. Si dibloomaasiyadi ku jirto ayaa lagu kala tegay in bal dib looga soo fikiro. Madaxweynuhu subaxnimadiiba jawaab ayuu ku celiyey dowladda Ingiriiska uu ku caddeynayo inaanay Somaliland ka soo qayb geli karin shirkaas aan arrimaheeda khuseyn. Xataa wuxuu diiday madaxweynuhu inuu diro wakiil hoose oo metala Somaliland. Xisbiyada mucaaradka ee aan maanta arko u malaynmaayo inay David Cameron ay diidi lahaayeen codisgiisa.

Dowlad yar oo aan la aqoonsan oo xataa khariidada caalamka aan ka maquun oo weliba waddankooda meelaha qaarkood ku tiirsan mucaawinada Ingiriiska ayaa hoggaamiyaheedii diiday Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska David Cameron ee boqortooyadii aanay qorraxdu ka dhici jirin waxay noqotay arrin dad badan fajaciso ku ridday.

Waxa sidoo kale xusid mudan in la sheego ololihii iyo cadaadiskii lagu hayey madaxweynaha inuu aqbalo ka qaybgalka shirkaas.

Subaxnimadii uu madaxweynuhu diray warqaddaas waxay ahayd Khamiis. Sida caadadu tahayna maalinta khamiista Somaliland waxa la qabtaa shirka golaha wasiirada. Shirkii golaha wasiirada oo uu guddoominayey madaxweyne ku xigeenku, Cabdiraxmaan Seylici, waxa ajendaha lagu soo daray qodob lagaga hadlayo shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee London lagu qabanayo 7da May.

Ma garanayno cidda soo jeedisay in qodobkaas ajendaha lagu soo daro hase ahaatee waxaynu ognahay in qodobkaas ajendaha lagu soo daray lagana munaaqashooday.

Waxa muuqatay in golaha wasiirada qaarkood aanay markaas la jaan qaadayn mawqifkii uu madaxweynuhu taagnaa. Markuu shirkii golaha wasiirada dhammaaday waxa loo soo diray madaxweynaha email lagula talinayo inuu aqbalo inuu shirka Soomaaliya ee 7da May London lagu qabanayo uu aqbalo oo aanuu diidin codsiga Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska.

Dabcan marka ay email-ka soo dirayaan kama ay warhaynin qolooyinkaas inuu madaxweynuhu jawaab buuxda ku celiyey dowladda Ingiriiska oo uu si cad u diiday ka qaybgalka shirkaas arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo.

Habeenimadii jimcaha ee 19kii April 2013, Madaxweyne ku-xigeenka, Cabdiraxmaan Seylici, Wasiiru-dowlaha maaliyadda Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo aan weli ka rajo dhigin inay meel mariyaan go’aankoodii ayaa xidhiidho khadka taleefanka ah oo is-daba jog ah kula soo sameeyey Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar iyagoo u sheegaya wasiirka inuu madaxweynaha kula taliyo oo uu weliba ku adkeeyo inuu aqbalo shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee 7da May London lagu qabanayo. Maxamed Cabdillaahi wuxuu u sheegay in madaxweynuhu uu mar hore go’aan ka qaatay arrintaas, jawaabtiina loo diray dowladda Ingiriiska oo meel wax laga qaban karaa aanay jirin.

Runtii ma garan karno waxa xubnahan golaha wasiiradu ay uga soo daba hadleen madaxweynaha  iyagoo ka warqabay in madaxweynaha iyo weftigii uu hogaaminayay ay hore  ula kulmeen, Mark Simmonds, Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dowladda Ingiriiska, kaas oo ka dhacay magaalada Addis ababa ee waddanka Itoobiya 10kii bishii April. Madaxweynuhu wuxuu markaas u sheegay Mr. Simmonds “in aanu dalkiisa khusaynin shirka London ” waxaanu tilmaamay in tallo qaran oo Somaliland ka yeelatay shirkaasi ka dib la isla qaatay inaanay meeli uga banaanayn Somaliland shirka Ingiriiska lagu qabanayo 7da May.

Markii ay carriga Ingiriiska soo gaadheen madaxweynaha iyo weftigiisu, Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Ingiriisku way ka sii dheregsanaayeen mawqifka adag ee uu madaxweyne Siilaanyo taaganyahay laakiinse weli waxay qabeen rajo ah in Siilaanyo lagu qancin karo inuu shirka 7da May ee London ka soo qayb gali karo haddii lala kulan siiyo Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, David Cameron. Taasina dowladda Ingiriiska way u shaqeyn weyday oo Siilaanyo wuu is-beddeli waayey.

Madaxweynuhu siduu mawqifkiisa ugu caddeyey Mark Simmonds, Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dowladda Ingiriiska si la mid ah ayuu mawqifkiisa ugu caddeeyey Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska, William Hague. Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiskana, David Cameron, sidoo kale ayuu isagana mawqifkiisa ugu ugu bandhigay. Mar qudha ismuu beddelin madaxweynuhu isagoo weliba cadaadis laxaad leh uu dhinac kasta kaga socdo markaad eegto xaggaa xukuumadiisa iyo xagga dowladda Ingiriiskaba.

Madaxweynuhu siduu u fakarayey iyo waxa maskaxdiisa ku jiray maalintaas waxa inagaga filan ficilkiisa oo aan in yar oo mugdi ahina ku jurin sida adag ee u difaacayey qaranimada iyo madax bannaanida Somaliland isagoo aan cidna ugu aabo yeelayn oo maskaxda ku haya dhaartii loo dhaariyey waddanka iyo shacabka Somaliland ee kalsoonidoodii ku siiyey inuu qaranimada iyo gooni-isu taaga Somaliland ilaaliyo.

Runtii, tallaabadaasi waxay ahayd mid madaxweynaha lagu ammaano oo loogu hambalyeeyo oo waddan ahaanna lagu faano laakiinse maaha in xisbiyada mucaaradku buuga xaasidnimada ay bog ka soo goostaan oo maalin kasta shacabka hor lulaan. Dabcan waxyaalo badan oo xukuumadda ka dhiman baa jira balse xisbiyada mucaaradka waxa iyaga uga qorshaysnaa sida ay go’aamo uga gaadhi lahaayeen arrimahaas aan kor ku soo xusnay shacabka ha u sheegaan? U malayn maayo in wax qorshe ah oo u dejisani uu jiro oo aan kalaam faadi ah ahayn.

Waxaan hadalkayga ku soo gebogebaynayaa, mucaarad iyo muxaafadba waa in madaxdeenu ay bartaan in aanay libinta isu xisdiyin gaar ahaanna kuwa qaranimadeena dhisaya. Waa waajib inaynu qaldaadka xukuumadda tilmaano balse sidoo kale wixii libin ah ee uu madaxweynuhu leeyahay ee qaranimadeena iyo aayaheenna dhisaya waa inaynu isku garab taagnaa oo aynaan qarin ee qirnaa. Waxa la yidhi: Lafaha gur xarragana ha ka tegin.

adammadar@yahoo.com

Comments are closed.