Wasiirka Samaale Oo Ka Hadlay Dareenkiisa Xilka Wasaarada Maaliyada Ee Uu Madaxweynuhu U Magacaabay

0
675

samaale 44Hargaysa( Geeska )-Wasiirka Maaliyada ee Cusub Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xilka loo magacaabay, waxaanu wasiirku sheegay in xilka loo magaabay uu aaminsan yahay in uu ka hooseeyo xilkii hore ee uu qaranka u hayay, balse uu aqbalay kadib markii looga maarmi waayay.

Waxa kale oo uu wasiirka maaliyada ee cusub Md.Samaale uu tilaamay inuu ka xun yahay inuu bedalo wasiirkii hore ee maaliyada Maxamed Xaashi oo uu sheegay inuu ku jeclaa xilkaas uu hayay. Waxaanu sidan ka sheegay wasiirka cusub ee maaliyada CabdiCasiis Maxamed Samaale hadal kooban oo uu ka hor jeediyay golaha wakiilada intaanay xilkaas loo soo magaabay u ansixin. Waxaanu hadaladisa ku bilaabay “Xilka imika lay magacaabay waxaan u haystaa inuu ka hooseeyo kii hore ee aan hayay, hasa yeeshee masuuliyad laguu gartay oo lagaaga maari maayay, waxaad ku qasbantahay inaad aqbasho, sidan kii horeba ugu hayay illaahay dartii ayaan kaa danbana ugu aqbalay ilaahay dartii, waxaanan illaahay ka baryayaa inuu ii fududeeyo.” Ayaa u yidhi Md.Samaale, waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata u yidhi“Wasiirkii hore ee xilkaas iig horeeyayna wasiir aan walaalo nahay oo aan xilkaas ku amaanayo kuna jeclaa buu ahaa, waanan ka xumahay inaan anigu noqdo shaqsigii isaga bedali lahaa.”

Ugu danbayntii waxa uu Md.Samaale sheegay inuu la shaqayn doono golayaasha qaranka isla markaasna  si daacad adadka reer Somaliland ugu shaqayn doono “Waxaan intaas ku dhaafaayaa inaan golaha wakiilada ee aan ka tirsanaa si fiican ula shaqayn doono iyo golaha guurtidaba iyo  inaan si daacada ugu shaqayn doono umadda Somaliland xilkaas lay magacaabayna inaan illaahay dartii u gudan doono inta awoodaydaa.”