Salaadiinta Subeer Awal Oo Si Adag Uga Hadlay Mawduuca Wershada Sibidhka Ee Berbera

0
545

suldaan-cabdirisaaq-dHargeysa(Geeska):- Sagaal suldaan oo ka mid ah salaadiinta beesha Subeer Awal (Habar-awal), ayaa ka hadlay qadiyadda maalgashiga warshada sibidhka Berbera iyo xadhiga Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex iyo masuuliyiinta kale ee la xidhan oo lagu eedeeyey inay lunsadeen raashin gargaar ah oo loogu tallogalay dad danyar ah.

Salaadiinta oo shalay saxaafadda ugu warramay guriga salaadiinta Subeer Awal ee magaalada Hargeysa, waxay ka dhawaajiyeen in aanay jirin meel cid gaar ah loogu diiday inay maalgashadaan warshadda sibidhka Berbera, iyagoo jawaab ka bixiyey hadalo qaar ka mid ah salaadiinta reer Somaliland toddobaadkan saxaafadda siiyeen oo ay kaga hadlayeen in aan la kala lahayn dhulka iyo dalka Somaliland oo qofkastaaba meesha uu doono maalgashi ku samayn karo, waxayna salaadiinta Subeer Awal sheegeen in laaxin iyo qalooc badani ku jiray qaabka salaadiin dhigooda ahi uga hadleen warshadda sibidhka Berbera.

Suldaanka guud ee beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Beryahanka waxa warbaahinta ku soo noqnoqonayey oo aad moodaysay in warmo lagaga tuurayo warbaahinta Beesha Ciise-Muuse oo ka mid ah beelaha Subeer-Awal.” Waxa kale oo Suldaan Xasan sharxay doorka beesha Ciise-Muuse ka soo qaadatey horumarka iyo dib u dhiska dalka Somaliland. “Berbera waa meesha ugu saaxibka baddan oo Carab iyo Hindi-ba waad ka helaysaa,waxaana maalmahan soo if-baxayey wax dhaqanka ku xad-gudub ah oo aan horena ugu jirin dhaqankeena oo ugub ku ah,…waxaana maanta na kalifay inaanu jawaab weyn halkan ka bixino, isla markaana aanu Warmo ku tuurno kuwii nagu soo tuurey (Salaadiin), waxaanu nahay Salaadiinta beesha Ciise-Muuse oo annaga ayaa taladiisa hayna xaga dhaqanka, reerka Subeer-Awal la yidhaahdaana guddiyaal ayuu leeyahay,oo waxa guddida Sacad-Muuse Guddoomiye u ah Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac oo hogaamiya, guddida beesha Ciise-Muuse-na waxa hogaamiya Xaaji Muuse Xirsi (Muuse Dalab),waxaanu leenahay Xeer-beegti,Gurigan aanu shirka-jaraa’id ku qabanayna (Guriga Salaadiinta Subeer-Awal) waa gurigii laga soo dhisay Xukuumadda talada haysa, oo waa gurigii aanu kaga dhawaaqnay in mucaarid iyo Muxaafid-ba la taageero Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xiligii uu ku jirey ololaha doorashada, beeshana mowqifkeedi waxba iskama bedelin, doorkastana waxaanu kala mid nahay beelaha reer Somaliland ee aanu walaalaha nahay,markastana waxa ku jirna kaalinka kowaad oo marna nalagama filayo kaalinta labaad, haday tahay adkeynta nabadgelyada, midnimada shacabka reer Somaliland iyo nabad kuwada noolaanshaha.”

Waxa suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal cambaareeyey qaar ka mid ah salaadiinta Somaliland ee dhawaan warbaahinta ka sheegay in aan dhulka Somaliland la kala lahayn, isagoo xusay in hadalkaasi laaxin ku jiro, “Waxaanu halkan aad iyo aad uga cambaareynaynaa ragga madax-dhaqameedka sheeganaya ee ay reeruhu soo boqradeen ee ku leh beesha Ciise-Muuse dalka waa la wada leeyahay, yey wax u sheegayaan? Ma dad indho la’a oo dhaga la’a ayey wax u sheegayaan ee ileyn waa lawada og-yahay in dalka lawada leeyahay, hadalkaa Laaxin ayaa ku jirey oo waanu ka daba-tagaynaa ciddii soo abaabushay lagana hadhi-maayo,”

Waxaanu Suldaanku sheegay inay diyaar u yihiin cidkasta oo waxay tabanayaan doonaya inay kala hadlayaan haday ganacsato tahay, haddii uu Siyaasi yahay iyo cidii kale-ba, “Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa gacanta ku haya qadiyadda dhismaha Wershada Sibidhka,guddida Ciise-Muuse ee lagu doortay Shirkii Dubureed ayana ku wareejiyey si uu go’aan uga gaadho, waxaaanan leeyahay ha laga dhur-sugo go’aanka Madaxweynaha, maaha in khilaafka la sii naxnaaxiyo oo way iska dhamaanaysa, ama ciddii doonaysa inay wixii khilaaf ah ee jira xaliso way u furan tahay oo waa dhaqankeeni aynu ku soo nabad iyo caano-maalnay Somaliland ku soo gaadhay halka ay maanta taagan tahay.Waxyaabaha la wadaana waxay inagu abuurayaan fidmo ee ha laga digtoonaado,… waa inaan sharafka Ciise-Muuse la xag-xagan iyo beelaha kale ee reer Somaliland-ba, waa inay xishoodaan ragga Telefiishanka soo fadhiisanaya.”

Waxa kale oo Suldaanka Subeer-Awal ka hadlay xadhiga guddoomiyihii gobolka Maroodijeex iyo masuuliyiinta kale ee ku xidhan Magaalada Hargeysa, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi; “Badhasaabkii Gobolka Maroodijeex iyo ragga  la xidhan-ba arrinkoodu si fudeyd baddani ku jiro ayuu u dhacay, karaamadii Madaxweynaha ee Gobolkan (Maroodi-jeex) ayuu qaabilsanaa,….badhasaabku isaga oo 16-Jir ah ayuu ku biirey Ururkii SNM ee dalka xoreeyey oo uu ku naafoobay,Waxaan xasuusta oo maskaxdayda ka bixi la’a isaga (Xamarji) iyo madaxweynaha maanta (Axmed-Siilaanyo) xiligii ay mucaaridka ahaayeen lagu rasaaseeyey Xaafada Shacabka ee Magaalada Hargeysa, iyaga oo mudaharaad Salmi ah qabanayeyoo uu Xamarji gacacnta hayo Axmed-Siilaanyo, waxaan leeyahay Madaxweyne innan-ku waa innankii malaha maalintaas ayuu dhaameel qaadan lahaa haddii uu wax xadayo, waxaan ku leeyahay hoos u eeg xaaladiisa, oo gurigiisa ayaad ku xidhi lahayd oo waxaad odhan lahayd dhaqdhaqaaqi siyaasadeed ayaan ka xayirey ayaad odhan lahayd oo isaga oo banana-ka jooga ayey maxkamadi ku socon lahayd”

Suldaan Shariif Batuun oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu yidhi “Salaadiintayadan oo ah Salaadiintii Subeer-awal waxaanu doonaynaa inaanu jawaab ka bixino  hadalo ka soo yeeshay qaar ka mid ah salaadiinta dalka,kuwaas oo ka hadlayey Wershada Sibidhka,waxaanan u sheegaynaa inaan ogayn wax dhib ah oo cid lagu hayo, ama reer lagu hayo, oo qaranka lagu hayo ama la isku hayo,wixii intaa dhaafsiisan anaga ayey noo iman lahaayeen oo ay wax naga weydiin la hayeen.Reerkaasi (Ciise-Muuse) masuul ayaanu ka nahay cid noogama soo dacwoon, cid noogama soo ashkatoon, wax dhibaato ah oo ay Somaliland ku hayaana ma jirto ama salaadiin ha ahaato, ama beelo ha ahaato, ama gobolo ha ahaato,waxaan u sheegaynaa ciddaa fidnada halka ka wadaa ee leh reer ayaa meel xidhay oo Saaxil-ba ayaa horumarkii qaranka diiday dadka waxaas ku hadlaya ee dhigaya ah waxaanu leenahay dadka ay ka masuulka yihiin haddii aanay la qabin waa inay Siyaasiyiintooda, aqoonyahankooda iyo odayaashoodu ka jawaabaan”.

Suldaan Sayid Aw Jaamac Warsame oo isna halaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay madax-dhaqameedka uu saaran yahay taajkii umaddu, isla markaana waxa uu odhanayaa waa inuu hubsado, ayuu yidhi.

“Salaadiintu meel ka dhaca intaas leeg ee ay u soo jeediyeen beesha ka soo jeeda Gobolka Saaxil iyaga oo aan garniqin, wax la isku hayana aan ogayn, waxaan leeyahay waa wax aad u fool-xun, Rasuulku waxa uu yidhi (SCW) “Fidnada huruda ciddii kicisa cadho ILAAHAY ha ku dhacdo”, Waxaan leeyahay Salaadiintaasi beelaha ay ka soo jeedaan waa inay ka jawaabaan haddii aanay la qabin.”Ayuu yidhi Suldaan Sayid.

Suldaan Sayid Aw Jaamac waxa uu ku dooday inay beesha Subeel-Awal tahay beel nabadeed,horumarineed, waxqabad iyo soo dhaweynayd, isla markaana aanay ahayn beel fidno “Beesha Subeerl-Awal waxay laf-dhabar u tahay qaranka Somaliland”.Ayuu yidhi,   isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi;“Waxay laf dhabar ka ahayd taa maanta la maalayo (Xukuumadda),markaa wax aanay gayin oo aan u qalmin lagu fadeexadeeyo oo warbaahinta la mariyo waa mid aan beesha qabanin”.

Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele waxa uu sheegay inaanu madax-dhaqameedku sheegin wax aan jirin,isla markaana wixii jira waxa uu ka sheega runta, “Madax-dhaqameedku wixii jira waxa uu ka sheega run, waxaan jirina ma sheego oo dhaqanka ayaanay waafaqsanayn Diintuna ma ogola, umadduna kuma kala baxdo.”

“Waxa la leeyahay beesha Saaxil ee Subeer-Awal waxay leedahay Wershada Sibidhka taladeeda anaga ayaa leh oo cidna waxba kama siinayno ayaa raggii hadlayey ka hadleen, annaga oo ah Salaadiintii Subeer-Awal maanaan arag meel ay yidhaahdeen kaligayo ayaa ka talinayna, waxaan leeyahay taasi nama qabato, dhaqankuna maaha inuu sheego wax aan jirin”.Ayuu yidhi

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaan halkan ka cadeynaya inaan reerka Saaxil yaala ee Subeer-Awal inaanu waxba diidanayn,arrinkiiba (Maalgashiga Wershada Sibidhka) madaxweynaha ayaa gacanta ku haya oo ay u dhiibeen, waxaanay ku yidhaahdeen Madaxweyne adigu ka tali oo qeybi (Saami), sidaad ku talisana raali ayaanu ku nahay”.Ayuu yidhi Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele.Waxa kale oo uu sulldaanku ka hadlay Xadhiga guddoomiyihii Gobolka Hargeysa Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) iyo masuuliyiinta kale ee la xidhan isaga oo madaxweynaha Somaliland sida ugu dhakhsaha badan sharciga loo horkeeno si loogu cadeeyo ama loogu waayo danbiga loo haysto.”  

Magacyada Salaadiintu waxay kala yihiin sidan:

1.       Suldaanka guud ee beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan.

2.       Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele.

3.       Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub

4.       Suldaan Maxamuud Suldaan Axmed Sheekh

5.       Suldaan Maxamed Daahir

6.       Suldaan Jaamac Cismaan

7.       Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi Baxar

8.       Suldaan Sayid Aw Jaamac Warsame

9.       Suldaan Shariif Batuun