Aqalka Odeyaasha Ingiriiska Oo Lagaga Hadlay Guulaha Somaliland Gaadhay Iyo Ahmiyadda in Lays Garab Taago.

0
589

british_parliament1Hargeysa, (Geeska)- Xildhibaan Lord Luce, oo ka tirsan Aqalka Odeyaasha ayaa sheegay inay muhiim tahay garab-istaaga guulaha Somaliland gaadhay, loona fidiyo dhiirigelin kasta, isagoo ku tilmaamay dal deganaansho iyo xasilooni ka jirto.

Fadhi aqalka Odeyaasha ingiriisku shalay ku dhegaysanayeen warbixin ku saabsan xaaladaha dhowaanahan ka taagan Barriga Dhexe, oo Lord Huwell, wasiiru-dawlaha dalalka Barwaaqo-sooranka ku jeedinayey, ayaa xildhibaan Lord Luce, ku dhiirigeliyey xukuumada Ingiriiska inay ka shaqeyso sidii Somaliland wada-xaajood ula yeelan lahayd Soomaaliya.

Lord Luce, oo ka tirsan aqalka Odeyaasha Ingiriiska, kana tirsan xildhibaanada madaxabanaan, ayaa isagoo ka hadlaya waxuu yidhi, “Tusaale waxaa inoogu filan Somaliland, oo si xawli ah u noqonaysa dal xasiloon oo horumar gaadhaya. Xukuumada Ingiriisku way ku hagaagsan tahay u fidinta taageero ku aadan nabadgelyada, horumarinta caafimaadka iyo kaabayaasha waxbarashada, ganacsiga madaxabanaan iyo meelo kale. Waa muhiim inaan garab-istaagno guulaha Somaliland gaadhay, una fidino dhiirigelin kasta.

Lord Luce, oo ka hadlaya wada xaajoodka la filayo inuu dhexmaro Somaliland iyo Soomaaliya ayaa raaciyey, “Waxaan rajeynayaa inaan dhiirigelino siduu wada xaajood u dhexmari lahaa kuwa dhowaan la magacaabay ama xukuumada ka dhalan doonta Muqdisho, si markaa loo go’aamiyo nooca xidhiidhkooda ay la yeelan doonaan mustaqbalka noqon doono.”