Wasiirka Qorshaynta Oo Tacsi U Diray Ehalada Marxuum Cawke

0
659

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka qorshaynta Somaliland Md. Cali Salaan Jirde  ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada, asxaabta iyo guud ahaan umadda Somaliland, waxaanu ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Axmed Xasan Cawke.

Wasiir Cali Shoombe, oo xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, wuxuu yidhi, “anigoo ku hadlaya guud ahaan magaca wasaaradda qorshaynta iyo xidhidhka hay’adaha caalamiga ah, waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan umadda Somaliland, gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo saxaafadda oo aanu ka tacsiyaynayno geerida Marxuum Axmed Xasan Cawke.” ayuu yidhi Wasiirku, , waxaanu intaas raaciyay, “Marxuum Cawke wuxuu ahaa nin ay taariikhdu in  badan xusi doonto oo ahaa halyey wax badan umadda ku caawiyay.” Wasiir Cali Shoombe ayaa ka mid ah dadka ay marxuum Cawke isugu dhaweeyeen.

cawke