Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Iyo Tacsida Geerida Axmed Xasan Cawke

0
661

cawkeHargeysa(Geeska)-Madaxweyne-xigeenkii labaad ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa tacsi u diray qoys, ehelada, asxaabta iyo guud ahaan umadda Somaliland, waxaanu ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Axmed Xasan Cawke.

Mujaahid Cabdiraxmaan oo isagoo jooga magaalada Borama xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, wuxuu yidhi, “Aniga, qoyskayga iyo carruurtayduba waxaanu tacsi u diraynaa guud ahaan umadda Somaliland, gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo saxaafadda oo aanu ka tacsiyaynayno geerida Marxuum Axmed Xasan Cawke.” ayuu yidhi Cabdiraxmaan, waxaanu intaas raaciyay, “Marxuum Cawke wuxuu ahaa nin ay taariikhdu in  badan xusi doonto oo ahaa halyey wax badan umadda ku caawiyay.”