Wasiirka Madaxtooyada Oo Xadhiga Ka Jaray 5km Oo Lagu Kordhiyay Jidka Salaxley Iyo Hargeysa

0
569

Picture1Hargeysa(Geeska)-Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shalay xadhiga ka jaray 5 KM oo ka mid ah dhismaha jidka Hargeysa iyo Salaxley oo ah shantii kiiloomitir ee ay xukuumadu bixisay, waxaanu wasiirku sidoo kale dhagax dhigay shan kale oo ay xukuumadu dhisayso, halka ay dadka deegaankuna dhisanayaan 10km.

Wasiir xirsi, oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay dawladu garab taagantahay wax qabsiga bulshooyinka, waxaanu sheegay inay waddooyinku isku xidhi doonaan dalka oo dhan, isagoo balan qaaday in markasta oo ay bulshadu qayb ka mid ah wadada dhisto ay xukuumadu qayb kale ku dari doonto.

Sheekh Maxamed Cali Gadhle, ayaa hadal uu jeediyay wuxuu kaga waramay halka uu jidku marayo, waxaanu tilmaamay in dhismaha wadada Salaxley iyo Hargeysa ay meel wanaagsan marayso.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dhismaha jidkaas oo hadda kalabadh ku dhow. Wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Cukuse, ayaa isna halkaas ka hadlay waxaanu qurbe jooga ugu baaqay inay ka qayb qaataan dhismaha jidkaas oo ah sadaqo jaari ah. Wasiirul dawlaha madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, ayaa isna halkaas ka hadlay.