Haweenka Degmada Axmed Dhagax Oo Lacag Ugu Deeqay Jidka Baligubadle Iyo Hargeysa

0
555

x-3Hargeysa(Geeska)-Haweenka degmada Axmed Dhagax, ayaa guddiga wadada Baligubadle iyo Hargeysa ku wareejiyay lacag dhan $ 40,317 Afartan kun saddex boqol iyo toddoba iyo toban dollar), oo ay iska soo ururiyeen.

Xaflad loo sameeyay wareejintii Lacagtan ayaa waxa ka qayb galay guddiga wadada Baligubadle iyo Hargeysa, haweenka lacagta soo ururiyay, maayarka Baligubadle iyo qurbe joog. Sheekh Mubaarik Muuse, oo ka mid ah guddiga wadada Baligubadle iyo Hargeysa oo halkaas ka hadlay ayaa dumarka degmada Axmed Dhagax uga mahadceliyay lacagta ay iska soo ururiyeen iyo dedaalka ay muujiyeen.

Maayarka Baligubadle  Md. Cabdi Iimaan Jaamac, oo isna halkaas ka hadlay ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay lacagta ay haweenku wareejiyeen, waxaanu sheegay in lacagtaasi kaalin fiican ka qaadan doonto dhismaha wadadadaas.Cabdiraxmaan Jaamac, oo ku hadlayay magaca qurbe jooga oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay qurbe joogu ku jiraan dedaalo ay qayb balaadhan kaga qaadanayaan dhismaha jidkaas. Haween u hadlay dumarka degmada Axmed, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay.