Wasiirka Maaliyadda Oo Shalay Isu Duwayaal U Magacaabay Gobalada Dalka

0
442

 

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa xilal ku cusub wasaaradda maaliyadda sameeyay, waxaanu magacaabay isu duwayaal wasaaradda u joogi doona gobalada dalka.

Inkastoo aanu Wasiir Samaale, soo saarin war saxaafadda loogu tallo galay, haddana wuxuu magacaabay dhawr isu duwe, isagoo isu duwe kasta u magacaabay inuu masuul uga noqdo wasaaradda maaliyadda. Tusaale ahaan gobalada Awdal iyo Selel, wuxuu u magacaabay hal isu duwe oo ah Axmed Faarax Meecaad, halka gobalada Hawd iyo Gabiley uu u magacaabay isu duwe magaciisu yahay Cumar Xasan Caalin, Togdheer, Saraar iyo Oodweyne, wuxuu u magacaabay Ibrahim Cawil Xaaji, isu duwaha wasaaradda maaliyadda ee gobalka Saaxil oo isna loo magacaabay Maxamed Cabdi Gurxan oo sidoo kale ah maamulaha kastamka kalabaydh, halka aanay noo suurtogelin inaanu helno magaca masuulka isuduwaha ah ee uu u magacaabay gobalada Sool iyo Sanaag. Hase yeeshe masuuliyiintan cusub ee la magacaabay oo intooda badani wakhtigan ka hawlgeli jiray gudaha wasaaradda maaliyada, ayaa badankoodu ahaa raggii hore masuuliyiinta uga ahaan jiray kastamada dalka qaarkood, balse ay xukuumadda KULMIYE ku soo xaraysay xarunta wasaaradda ee Hargeysa.