Madaxweyne Kibaki Oo Kula Dardaarmay Ciidanka Kenya Taageerida Uhuru Kenyatta

0
503

 

Picture1Nairobi (Geeska/Standard)- Madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki ayaa kula dardaarmay ciidamada dalka Kenya inay taageeraan madaxweynaha cusub ee la doortay, mar uu ka qeybgalay xaflad sagootin ah oo ciidamadu u qabteen.

Madaxweyne Kibaki oo ahaa taliyaha guud ee ciidamada Kenya muddo toban sannadood ah, ayaa khudbad uu ka jeediyey sheegay inay yihiin ciidamada ugu wanaagsan Gobolka iyo Afrika, kuna amaanay xoreynta Soomaaliya iyo taageeradoodii isaga iyo xukuumadiisa.

“Waxaan idiinku dhiirigelinayaa inaan akhlaaq wanaagsan yeelataan, iyo anshaxa laydinku yaqaan, taageero siiya madaxweynaha cusub,” ayuu Kibaki sheegay.

Xafladaa oo sidoo kale wasiirka Gaashaandhiga Kenya, Yuusuf Xaaji, joogay, ayaa sheegay, Kenya inay xusuusnaan doonto waxqabadkii uu sameeyey madaxweynaha tegaya, una rajeeyey guul. “Shacabka Kenya way xusuusnaan doonaan daawashadii Kibaki wakhtigii ciidamadu ka talaabayeen xuduudka Soomaaliya, si ay u ugaadhsadaan maleeshiyaadka Shabaab, iyo ansixintii dastuurka cusub ee Kenya.

Kibaki ayaa la filayaa inuu xilka wareejiyo ka dib dhaarinta Madaxweynaha cusub.