Maareeyihii Haamaha Shidaalka Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Masuul Cusub Oo Loo Magacaabay

0
512

 

Picture3Hargeysa(Geeska)-Maareeyihii haamaha shidaalka Berbera Mr. Shiine Cabdi Barkhadle, ayaa xilkii si rasmi ah looga fadhiisiyay.

Wasiirka ganacsiga Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa shalay xilkii ka qaaday maareyihii hore, islamarkaana u magacaabay masuul cusub. Ma jiro war rasmi ah oo uu wasiirku soo saaray, laakiin warar xogogaala ayaa sheegay in Wasiir Khaliif, uu maareeyaha haamaha shidaalka Berbera u magacaabay masuul lagu magacaabo Maxamuud Gahayr, oo muddo dheer ahaa maamulaha kastamka Berbera, balse xilka laga qaaday markii ay xukuumadda KULMIYE dhalatay.

Lama garanayo sababaha keentay xil ka qaadista maareeye Shiine, laakiin Mr. Shiine, waxa xilka loo magacaabay markii ay xukuumadda KULMIYE talada dalka qabatay, waxaanu ahaan jiray guddoomiyaha KULMIYE ee gobalka Saaxil.