Wasiirka Maaliyada Oo Xadhiga Ka Jartay Mashaariic Biyo Gaadhsiin Ah Oo Laga Hirgaliyey Deegaanka Ilinta-Dhexe

0
582

Hargeysa (Geeska)- Wasiirka Maaliyada Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa socdaal ku tagtay deegaanka ilinta-dhexe oo ka tirsan degmada Daarasalaam ee gobolka Maroodi-jeex, halkaas oo ay xadhiga kaga jartay mashaariic ay ka mid yihiin beebab lagu gaadhsiiyey biyaha riig deegaankaasi ay hore uga fuliyeen xukuumada Somaliland oo kaashanaysa hay’adda Save the Children..

Weftiga Wasiirka Maaliyada oo socdaalkan ay ku tagay deegaankaasi ilinta-dhexe uu ku wehelinayey Wasiirka Cadaalada Axmed Faarax Cadare, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey dadka deegaanka iyadoo ay xukuumada iyo Wasiir Samsam uga mahadnaqeen mashruucan wax ku oolka ah ee ay ka hilgaliyeen deegaanka ilinta dhexe oo biyo yaraan xoog leh ay ka jirtay.

Wasiirka maaliyada oo dhamaystirka iyo gabogabaynta mashruucaasi ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “Marka Madaxweynaha dhagahiisu ay kuu furan yihiin, marka halkaa dadkii dhibaatada abaartu ku soo martay ee ay xagaa iyo xaganba ay ka yimaadeen ee aanu biyihii ka bixi waynay, ayaanu nidhi Madaxweyne dadka ilinta-dhexe ceel ha looga qodo, degdeg uga qoda ayuu yidhi Madaxweynuhu, marka Madaxweynuhu kula ogolaado wixii ee aanu odhan waa qabyaalad iyo maxay inantu ma halkaas ayay u dhalatay iyo waxaas ayaad adna ku dhiiranaysaa, Coodanle-na sidaas ayay ahayd oo Madaxweynuhu wuxuu yidhi Riiga dhaqaaji. Waxaydun yeeli doontaan khilaafka uun ka ilaaliya, hadii halkaasi khilaaf yimaado biyuhuna way ka guuraan, mana helaan nicmada Illaahay, markaa biyahaasi wadda-jir u maamusha oo ku heshiiya. 

Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa hay’adda Save the Children inay 3Km ay magaalada soo gaadhsiiyaan, hay’adda Save the Children ayaan aad ugu mahadnaqayaa iyagana.” Ayay tidhi Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Axmed Faarax Cadare Wasiirka Wasaarada Cadaalada oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Wasiir Samsam ku tilmaamay inay tusaale (role model) ay u tahay iyaga, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa ay fulinayso Samsam waanu uga mahadnaqaynaa waxa ay qudhayada nootahay tusaale (role model), laba wasaaradood oo mushtamaca raad ku reebaya ayay gacanta ku haysay, anaguna waanu ku taageeraynaa oo waanu ku barbar taaganahay. Nasiib ayaad u yeelateen inaad biyo heshaan.” Ayuu yidhi Wasiir Axmed Faarax Cadare.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciise, gudoomiyaha tuulada ilinta-dhexe oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “waxa kale oo mahad leh oo markasta aynaan ilaabi karin oo in aynu u mahadnaqno inaga mudan oo ilaahay aynu dambi dhaaf u waydiino Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan”.

Oday ka tirsan dadka deegaanka oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in halkan Ilinta dhexe ee biyaha la soo gaadhsiiyey uu hore uga guuray biyo la’aan waxaanu sheegay in arintan biyaha loogu sameeyey deegaanka ilinta dhexe ay aad ugu diirsadeen, “Oomanaan ayaan halkan uga guuray dad iyo xoolaba oo aan ka qaxay biyo la’aan meel doog iyo biyo leh ayaan u guuray, waana wax illaahay loogu mahadiyaa halkii aan abaarta iyo biyo la’aanta aan uga guuray oo biyuhu ay sidaasi u qulqulayaan”.

Sidoo kale waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Saynab Ismaaciil Gamas oo ka mid ah qurbajoogta reer Somaliland ee dalka Sweden, waxaanay tidhi Marwo Saynab “Aniga oo Hargeysa joogay mudo bil ah oo biyo la’aanta ka taagan iyo booyada la raadinayo ayaan yaabanahay oon maanta arkay biyaha halkaa iska qulqulaya, runtii maanta nasiib weyn ayay ii noqotay oo farxadna aadbaan ugu faraxsanahay” Ayay tidhi Marwo Saynab Ismaaciil Gamas.

Dhinaca kale waxgaradka iyo masuuliyiin ka soo jeeda deegaanka Coodanle ee gobolka Buuhoodle oo uu horkacayo Wasiiru-dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland, Cabdirashiid Riyo Raac ayaa abaalmarin ku maamuusay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, taasi oo masuuliyiintani ay abaalmarin uga dhigeen waxqabadka ay Wasiir Samsam ka geysatay deegaanada Bariga Somaliland gaar ahaana ceel biyoodka ay xukuumadu ka hirgalisay deegaanka Coodanle oo ilaa hadda shaqeeya oo dadka deegaanku ay ugu magacdareen Samsam.

Wasiiru-dawlaha Xanaanada Xoolaha Somaliland oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan halkan mahadnaq u gaar ah Wasiirka Maaliyada, oo degaan ay runtii hawlo waaweyn ka hirgalisay ay uga mahadnaqayaan, gaar ahaana Iskuulo, Ceel biyoodka loo bixiyey Samsam, waxay ahayd halkii abaartii Somaliland oo dhami ku baxsatay ee la iskugu tagay ayay ahayd, waxaana halkan la iskugu yimid runtii in loo mahadnaqno Wasiirka Maaliyada.” Ayuu yidhi Cabdirashiid Riyo Raac.