Maamulihii Dugsiga Sare Ee Maxamuud Axmed Cali Oo Xilkii Laga Qaaday

0
853

Hargeysa(Geeska)-Maamulka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa xilkii ka qaaday maamulihii dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali ee magaalada Hargeysa.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in wasaaradu shalay xilkii ka qaaday Maamule Balayax oo muddo dheer ahaa maamulaha dugsigaas. Inkastoo aanay wasaaradda waxbarashadu sheegin sababta shaqada looga fadhiisiyay maamule Balayax, haddana waxa xil ka qaadistiisa loo aanaynayaa kormeer ay sameeyeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarshada oo lagu helay arday la sheegay inay sifo sharci darro ah ku dhiganayeen dugsigaas.