Caare Oo Ka Hadlay Saddex Qodob Oo Uu Sheegay Inuu Kula Soo Heshiiyay Guddiga Garxajis Ee Dhexdhexaadinta Waday

0
1004

Sanaag(Geeska)- Gaashaanle sare Siciid Cawil Caare ayaa baahiyay saddex qodob oo odayaasha beesha Garxajis ee dhexdhexaadinta ku jiray ay ka wada hadaleen.

Caare, oo iska soo duubay muuqaal isagoo ku sugan gobalka Sanaag oo ay daba socdaan rag qoryo ku hubaysani, wuxuu yidhi  “ Anigu Puntland waxaan ka soo guuray 29/7/2019 markasta oo aan soo galo deegaanka aniga oo nabad wada waxa ila kulmaayay dihibaatooyin aad u culus oo taliye Nuux uu ka danbeeyo, intaas markaan ka gudbo waxaan joogaa dhulkaygii waxaan joogaa dhulkii aan ku dhashay waxaanan la joogaa ehelkay waftigii Garxajis ee ii yimid salaadiin iyo boqoradiiba waxaanu heshiis ku galnay

1-in nabad la helo

2-in xabad joojin la sameeyo

3-In wada hadal la furo.

Jabhadan dulmi diid waa Jabhad hubaysan oo siyaasadeeda wadata oo golaheedii dhexe leh maaha qof qoorta la soo qabanaayo oo la hoggaaminaayo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here