Wasiirka Khaarajiga Oo Soo Bandhigay Jidadka Uu U Marayo Aqoonsi U Raadinta Somaliland

0
659

Picture8Hargeysa (Geeska) – Wasiirka arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa si mugle uga hadlay dedaalka uu u galayo qadiyadda Madax-banaanida Somaliland iyo sidii uu uga dhaadhicin lahaa beesha caalamka iyo qaramada midoobay oo uu hore uga sii shaqeyn jiray.

 

Wasiirka arimaha dibada Somaliland, waxa uu ka hadlay aragtida ay dadka qaarkii qabaan ee ah in aqoonsiga Somaliland uu ku xidhanyahay Somaliya, waxaanu sheegay in aanay jirin wax alaale iyo wax Somaliland kaga xidhan Soomaaliya, isla-markaana wadahallada socdaa yihiin oo kaliya sidii loo qaybsan lahaa wixii labada dhinac hore uga dhexeeyay.

Maxamed Biixi Yoonis, oo u waramay Telefiishanka HCTV, ayaa isaga oo ka hadlaya qadiyadda Madax-banaanida Somaliland yidhi “Waxaynu nahay waddan xor ahaan jiray oo u tagay walaaladood markii laga hadlayey Soomaali weyn, shantii Soomaaliyeed iyo riyadii hore ee aynu ku wada jirnay umadda Soomaaliyeed meel ay joogtayba, waxa inoo muuqata in riyadaasi noqotay mid fashilantay, dadku waxay is odhan karaan malaha Jabuuti way idinka aragti dheerayd markay diideen inay ku soo biiraan, maantana way inoo muuqataa halka ay marayso, waad arkaysaa waxa ka socda kililka shanaad iyo gobolka Soomaalida Kenya, qof maanta u diyaar ah inay shan isku soo noqotaa waa habeenkii xalay ahaa ee tagay, labadeena wada joogayna (Soomaaliya iyo Somaliland) laba isku soo noqonaya in aynaan ahayn, walaaltinimadu waa halkeedii oo danteena ayaa ku jirta labadeenaba inaynu dad walaalo  ah oo jaar ah noqono, kumana xidhna isku dhajintooda iyo isku dhajin la’aantooda danta aynu ka leenahay xornimadeena, xornimadeena innaga ayaa isku hayna ayaan qabbaa, dadka inaynu u sharaxno ayaynu u baahanahay, walaaladeena way fahamsan yihiin oo way ka dharagsan yihiin, wax ay iyagu gacanta inoogu hayaanna anniga iima muuqato inay jirto ayaan qabbaa, waxaynu ka wadahadlaynaana waa sidii aynu walaaltinimo wixii innaga dhexeeyay ugu qaybsanaa, jaar u noqonaa, wadahadallo inooga dhexeeyaan, qof Somaliland ku qasbi kara inuu meel aanu doonayn la joogaana ma jiro”

Wasiirka arimaha dibada Somaliland, waxa uu baaq u diray beesha caalamka “Waxay iila muuqataa in caalamku eego xaqiiqda jirtal waanu ogsoon yahay, Xamarna ILAAHAYdabka haka qaado, wadciga adag ee ay ku jiraan iyo halka aynu joogno adduunku wuu ogyahay” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga  ooa jawaabaya su’aal laga waydiiyey sida hay’adaha qaramada midoobay looga dhaadhicin lahaa in Somaliland ka madax-banaan tahay Soomaaliya, si ay meesha uga baxdo isticmaalka magaca waqooyi galbeed “Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa waxaan qabaa inaynaan xoog galinin intii hore iyadda oo aanay ka qarsoonayn qadiyaddeenu, ogna xaqiiqada dhulka taala (Somaliland ka jirta), markaa waxaan annigu qabbaa inaynaan si xoogle ula hadal oo aynaan ula xaajoon xubnaha golaha amaanka, oo aynaan xoghayaha guud la hadal, oo aynaan madaxda midowga Afrika la hadal”

Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu sheegay inuu hore gacan uga geystay qadiyadda ictiraaf raadinta Somaliland, isla-markaana mar waddamada Ruwanda iyo Ghana ay qadiyadda Somaliland hor dhigeen ururka midowga Afrika uu ku sugnaa Addis-ababa isla-markaana wasiirkii arimaha dibada ee wakhtigaasi Cabdilaahi Maxamed Ducaale uu dad badan is baray “Annigu markii Ruwanda iyo Ghana ay qadiyadeena midowga Afrika keeneen Addis-ababa waan joogay, Wasiir Ducaale (Wasiirkii arimaha dibada ee xukuumaddii Rayaale) waan la fadhiyey oo dad badan baan is baray, hase yeeshee juhdi ayay u baahan tahay si ay hay’adduhu u ogaadaan inay dal jira nahay, qaramada midoobay ma go’aamin karto waxaynu nahay, laakiin innaga ayuu juhdiga iyo dedaalku ina saaran yahay inaynu qadiyaddeena iyo hawsheena kala hadalno, shaqadana maaha shaqo wasiir kali ahi qaban karo, laakiin waa shaqo u baahan in umaddu meel uga soo wada jeedsato” ayuu yidhi, isaga oo intaasi raaciyey qorshayaashiisa ugu horeeya “Qorshahayga ugu soo horeeya waxaan ku taggi doonaa waddamada jaarka ah, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya, oo aan kala hadlo qadiyaddeena iyo sidii ay wax inoola qaban lahaayeen, sidaad ula socoto wasiirrada Khaarajiga Kenya Aamina Maxamed labadayaduba ergay ayaanu u ahayn xoghayaha guud (ee qaramada midoobay) oo Soomaali ah, markaa qof aanu is naqaano weeyaan, waxaan qabbaa dawladaha jaarka ah oo dhan waynu is naqaanaa, waxa loo baahan yahay in dardar xoog leh oo cusub aynu samayn doono.”