Madaxweyne Siilaanyo: Talaabo Ay 2005 Cadho Ka Keentay Ayuu Dambarsaday Doraad

5
463

Picture5Hargeysa(Geeska)-17 Oktoober, 2005, ayaa munaasibad loogu baroor diiqayay shuhadadii SNM, waxa lagu qabtay fagaaraha beerta xorriyadda ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb galay Madaxweyne Siilaanyo oo wakhtigaas ahaa guddomiyaha KULMIYE, wasiirkii arrimaha dibadda ee xukuumadii hore Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo masuuliyiin kale.

Wasiirkii arrimaha dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo madasha soo galay ayaa salaam ula holaday Madaxweyne Siilaanyo oo wakhtigaas ahaa hoggaamiyihii KULMIYE. “Salamu calaykum, guddoomiye.” Ayuu ku yidhi Cabdillaahi, laakiin Madaxweyne Siilaanyo salaanta kamuu qaadin, oo intuu eegay ayuu iska aamusay. Ducaale ayaa ku celiyay ‘Guddoomiye, salaantu waa waajib.’, waxaanu Axmed Maxamed Siilaanyo ugu halceliyay, “Adeer salaantaadana dooni maynee naga tag.”

 Intaas ka dibna waxa dhex maray hadalo taag-taagan, laakiin markii dambe iska qaboobay. Dabcan wakhtigaas may jirin colaad shakhsi ah oo labada masuul ka dhaxaysay, waxase ay isku hayeen siyaasadda oo Cabdillaahi Maxamed Ducaale, wuxuu ka tirsanaa xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin oo uu Axmed Maxamed Siilaanyo si adag uga soo horjeeday.

Siddeed sannadood ka dib, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo, Axadii dorraad la kulmay qiso la mid ah tii 2005 uu ku sameeyay Cabdillaahi Maxamed Ducaale. Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo, salaan la tiigsaday guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo ay ka wada qayb galeen qalin jebinta ardayda Jaamacadda Hargeysa. Laakiin Faysal Cali Waraabe, ayaa si toos ah u diiday inuu salaanta ka qaado, waxaanu ku sameeyay mid la mid ah sheekadii uu Madaxweyne Siilaanyo 2005 ku sameeyay Cabdillahi Maxamed Ducaale.

Si kastaba ha ahaate, waxa muuqata inuu Madaxweyne Siilaanyo, wakhtigan guranayo waxyaabo uu hore uga dhitaystay maamulkii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, oo uu ku qaadi jiray talaabo kasta oo uu u arkayay inay bulshadu kaga horimanayso. Dad badan ayaana maanta aaminsan in tallaabooyinka iyo hadallada ugu badan ee mucaaradku kala hor yimaaddaan madaxweyne Siilanyo ay yihiin kuwo uu isagu hore u qaaday ama ugu baaqay, balse maanta u dul-qaadashadoodu ku adkaatay.

Si kastaba ha ahaat ee siyaasiga waxaa looga baahanyahay inaanu aragtidiisa ku salayn hadba waxyaabaha maalintaas taagan ee uu aragtidiisa ku foofiyo mustaqbalka si aanu ugu kicin sheekooyin hal-hays u noqda oo saameeya mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Comments are closed.