Wasiirka Khaarajiga Kenya Oo Beeniyay Inuu Sheekh Shariif Ku Eedeeyay Qaraxii Muqdisho

0
605

 

Picture1Hargeysa(Geeska)-Wasiirka khaarajiga ee dalka Kenya oo ayaa beeniyay inuu madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ku eedeeyay inuu ka dambeeyay qaraxii Muqdisho ka dhacday Arbacadii hore.

 

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa baahiyay in wasiirka khaarajiga ee Kenay ku eedeeyay Sheekh Shariif qaraxaas Muqdisho, laakiin wasiirka oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inaanu warkaas odhanin. Geesta kale Sheekh Shariif ayaa warkaas si kulul uga jawaabay waxaanu sheegay inuu yahay war isaga lagu dacaayadaynayo.