Haween Cabasho Ka Muujiyay Meheradahooda Oo Ay Sheegeen In Laga Baabiinayo

0
616

 

Hargaysa ( Geeska )- Qaar ka mid ah haweenka ku ganacsada sariibada Injida Hargeysa afaafkeeda hore, ayaa si weyn uga cabanaaya dhulkay dagnaayeen oo sheegeen inay  dawlada hoose ka rartay, isla markaasna loo dhisaayo dad aan iyaga ahayn. Waxaany ugu baaqeen xukuumada iyo wasaarada cadaalada inay soo fara galiyaan cabashadoodan.

Haweenkan oo wargayska Geeka Afrika ku soo booqday xafiiskiisa, ayaa ku cawday in madaxda dawladda hoose ay dhulkoodaas ay ka rarayaan u sheegeen  in iyaga loo dhisaayo,balse ay soo ogaadeen xaqiida oo ay ku sheegeen in dadkale oo suuqa laga keenay loo dhisaayo dhulkaas iyaga laga raray. Laakiin nooma ay suurtogelin inaanu wax ka weydiino dawladda hoose.

Qaar haweenkan kamid ah ayaa iyagu ku cabanaayay inay dawladda hoose damacsantahay inay dumiso guryahii ay kaga jiraan sariibada injida ee ay ku ganacsan-jireen, loona qoondeeyay cid aan iyaga ahayn, arimahaas oo ay ku tilmaameen dulmi xoogan oo lagula kacay.

Haweenkan oo bacadlayaal ku lahaa barxada weyn ee sariibada Injida, ayaa ugu danbayntii u soo jeediyay xukuumada in arinkooda hoos loo dhugto, isla markaana laga xakameeyo dawlada hoose ee Hargaysa.