Waraysi Gaar Ah: Danjire Augustine Mahiga Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Wada Hadaladii U Dhaxeexyey Somaliland iyo Somaliya

1
603

Augustine_Mahiga1Hargeysa (Geeska)- Ambassador, Augustine Mahiga, U-qeybsanaha gaarka ah  ee qaramada Midoobay Soomaaliya iyo Somaliland  ayaa wareysi gaar ah oo uu  siiyey wargeyska Geeska Afrika  kaga hadlay mustaqbalka wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya iyo cidad ay ku xidhan tahay u kala qeybinta gargaarka Somaliland iyo Soomaaliya

 

Augustine Mahiga, ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay sii waditaanka wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya si labada dhinac go’aan u gaadhaan, maadama wakhtigii kala-guurka Somaliya si rasmi ah u  dhammaaday..

Mr, Mahiga, oo weriye  Maxamuud Walaaleye oo Geeska Afrika ka tirsan wareysi la yeeshay isagoo ku sugan magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, wuxuu  sheegay in bishan 26-keeda lagu qaban doono shir caalami ah magaalada New York kaas oo ku saabsan kaalmaynta Soomaliya, isla markaana aanu hubin in Somaliland ka qeybgeli doonto.  Waraysigaas uu Geeska Afrika la yeeshay danjiruhu wuxuu u dhacay sidan:

Sidaad u aragtaa ka maqnaantii Puntland iyo Kenya munaasabadii dhaarinta madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud?

Runtii, ma doonayo inaan ka hadlo arrinkaa. Laakiin, ilaa wakhtigan waan ku qanacsanahay madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya, iyo siduu wax u wado waan soo dhoweynayaa.

Sidaad u aragtaa wada hadal mustaqbalka ay yeeshaan Somaliland iyo Soomaaliya, maadama dhinac walba ku adag yahay mowqifkuu taagnaa?

Mar haddii xilligii kala-guurku dhammaaday, waxaan qabaa in wada hadalka la sii ambaqaado ay bilaabeen. Ha wada hadlaan labada dhinac, waana sababta beesha caalamku u soo jeedisay inay wada hadlaan. Markaa ka dib ayaa go’aan la gaadhi karaa.

Siday kuula muuqataa in lagu gaadhi karo qorshahii ahaa in kaalmooyinka beesha caalamka siiso dalkii la odhan jiray Soomaaliya, loogu qeybiyo Somaliland iyo Soomaaliya, sidii shirkii London laga soo jeediyey? Yaa u kala qeybinaya, ma beesha caalamka?

Kolay kuwa (wadamada) bixinaya gargaarka ayey ku xidhan tahay inay Somaliland ama Soomaaliya siiyaan gargaarkooda. Gargaar kastoo ku waajahan shacabka waa mid aan dhiirigelinayno, soona dhoweynayno. Marka ay tahay gargaar bani’aadminimo waxaan filayaa inaanay eexasho iman, gargaarkuna gaadho dhammaan dadkii u baahnaa, halkay doonaan ha joogaane.

Xillima ayaad filaysaa in beesha caalamku marin doonaan gargaarkooda xukuumada cusub sida madaxweynaha cusub ee Soomaaliya codsaday?

Runtii ma sheegi karo, laakiin, waxa lagu qaban doonaa shir magaalada New York, 26 September bishan, ku saabsan Soomaaliya, waana ka beesha caalamku go’aan kaga gaadhi doonaan. Dhamaan way doonayaan inay caawiyaan Soomaaliya.

Somalilandkulankaa ma ka qeybgeli doontaa?

Ma xaqiijin karo, martiqaadku waxuu ka imanayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Comments are closed.