Dan Iyo Duco Oo Beeniyay In Khilaaf Ka Dhex Taaganyahay

0
464

Picture8Hargeysa(Geeska)- Guddida Dan iyo Duco  ee Gobolka Saaxil, ayaa soo-saaray Baaq ay ku beeninayaan   jiritaanka war ku soo baxay warbaahinta qaarkood, kaas oo ka hadlayay in guddida Dan iyo Duce uu dhex yaalo  khilaaf laguna codsanaayay in la soo dhexgalo.

Waxaana Baaqa ay soo saareen Guddida Dan iyo Duco oo dhamays tirani uu u dhignaa sidan “Anaga oo ah Guddida Fulinta ee Dan iyo Duco ee Gobolka Saaxil kuna saxeexan hoos, waxay si cad u beeninayaan  Baaqa ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya  Cadadkiisii 5370, kuna Taariikhaysnaa 17/2/2014  iyo Warbaahin  kale, Baaqaas meel badan taabanaya.Waxaanu haddaba cadaynaynaa in uu baqaasi ahaa Been-abuur   aan  Dan iyo Duco ka soo bixin, waxaanan ka doonaynaa Warbaahinta Qortay  Baaqaasi Been-abuurka ah inay keenaan Cadayntiisa”

Magacayadda  Guddida Dan iyo Duco ee Baaqan soo saaray waxa  kala ahaayeen Muuse Xirsi Abokor (Muuse-Dalab) Guddoomiye,Maxamed Cabdilaahi Mirre,Chief Caaqil Axmed Caaqil Yare,Saleebaan Jaamac Jibiril  (Saleebaan-Mijir,Jaamac Rooble Xirsi (Birqaab).”