Xildhibaano Ka Tirsan Wakiilada Ka Hadlay Xaaladaha Dalka

0
676

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, Qabyaalada, Doorashada iyo  khilaafka Xisbiyada ee salka ku haya Komishanka.

Xildhbaan Maxamed Saalax Cige, Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan Hoori), iyo Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama), oo Wargeyska Geeska Afrika, u waramay ayaa ugu horeyn Xildhbaan Maxamed Saalax Cige, oo ka hadlaya Sharcigu wuxuu ka qabo in hal Wasiir laba Wasaaradood loo magacaabi karo ayaa yidhi “Madaxweynuhu laba Wasaaraddoo uu igman karaa Wasiir, waana iska caadi, sharcigana kama hor imanayso, inkastoo inta badan Wasiir ku xigeenadu ama Wasiiru dawlayaashu ay ku siisime noqdaan marka uu Wasiirku maqan yahay ama hawlo caafimaad uu ku maqan yahay, haddana wax dhib ah oo ku jira ma jirto haddii Wasiir kale loo sii magacaabo Wasaarad”.

Mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Doorashada ilaa hadda heshiis lagama gaadhin, Xisbiyaduna wali may heshiin, waxaanay ahayd in Doorashada oo aan dhawayn in laga sii heshiiyo wax kasta oo la isku hayo, ha noqoto Komishanka oo la bedelo, ha noqoto Saami qaybsiga iyo wixii laga yeelayo, haddii kale oo heshiis laga gaadhi waayo waxa imanaysa in Doorashaduna dib u dhac ku yimaado”.

Mar uu ka hadlaayey Qabyalada ayaa wuxuu  yidhi “Qaran iyo Qabyalaad meel ma wada galaan, Qaran baan sheeganaya Qabyaaladna waan ku dhaqmayaa, laba is galaya maaha, waxaana dadka leeyahay ka dheerada Qabyaalada, oo Qaranimada ilaaliya, ka dheerada wax kasta oo dhexdiina cadaawad ka dhalinaya, oo nasteexiina ka taliya”.

Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan Hoori), oo isna ka hadlaya Qabyalaada ayaa yidhi “Qabyaalada oo dariiq xun loo isticmaala waa qudhun, iyo xumaan, ee in Qabyalaada la iska ilaaliyo weeye, dadka Somaliland waa dad wada walaalo ah, dhammaan dadka reer Somaliland meel walba oo ay degan yihiin waa isku wada abtirsiin, abtirsiintooduna waa qaranimada Somaliland, cid kasta oo dhib iyo fidno wadana waxaanu leenahay ka digtoonada, oo akhiradiina u tudha, oo haddii uu dhib dhaco, oo ciddi talaabo khaldan qaado maaha in dad dhan oo aan waxba sameeyn loo nisbeeyo, khalad uu dhaca khaladkaas dhacana shaydaan iyo ciddii markaas ku kacday ayaa loo nisbeeya, ee dadka waxaan leeyahay walaaltinimadiina ilaashada, oo colaada iska ilaaliya”.

Xildihbaan Mataan Hoori mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa wuxuu yidhi “Saddexda Xisbi oo kala maqan, Doorasho dalka kama dhici karto, laba Xisbina Doorasho ma gali karaan, ee Xisbiyadu ha isku yimaadaan, wada tashi ayaana looga baahan yahay iyo inay gaadhan go’aan midho dhal noqda, oo lagu wada qanacsan yahay”

Xildhibaan Xasan Karaama oo isna ka hadlaya Qabyaalada ayaa yidhi “Nabada ayaa wax lagu yahay, ee in nabadgalyada la ilaaliyo oo laga dheerado Qabyaalada iyo wixii la mid ah weeye, cid kasta oo khalad sameeysana waa in sharciga la hor keena, oo la soo qabta”.

Xildhibaan Xasan Karaama mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa isna wuxuu yidhi “Doorashada oo qabsoonta wax badan baa ka horeeya, inay Xisbiyadu isku yimaadaan oo ay ka wada hadlaan wixii ay isku hayaan waa mid meesha ku jirta, laakiin waxaa wax walba ka muhiimsani waa saami-qaybsigii oo ahaa go’aan ay gaadhay Maxkamadda Dastuuriga ahi, mana aha in laga warweego ee waa in saami-qaybsigiina la sameeya, oo cidda awooda u leh maaha inay iska dhego tirtee, waa inay u badheedha”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here