Wasiirka Hawlaha Guud Oo Shirkada HASS Ku Eedeeyay Inay Jabhad Buuhoodle Ka Maalgaliso iyo Shirkada Oo Beenisay

0
536

Hargeysa(Geesk)- Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Cabdirashiid Ducaale Qanbi ayaa ku eedeeyay shirkada shidaalka ee HASS inay Buuhoodle ay ka maalgaliso jabhad hubaanay, shirkada oo si dhakhso ah uga jawaabtay arintan ayaa sheegtay inay wasiirka maxkamad la tiigsan doonto.

Wasiirka oo ka hadlaayay dhibaatada amaanka ee Buuhoodle iyo Jabhadaha ayaa shirkadan afka ku balaadhiyay inay qayb ka tahay amaandarada Buuhoodle, waxaanu isaga oo warbaahinta la hadlaayay uu yidhi “ Bulshada Buuhoodle degan oo markii horena dagaalo badan gashay markii danbena  inta dantooda ah uun raacan wayday ninka meel ka yimaadaaba  uu u soo kaadi tagaayo oo uu odhanaayo waxaas ayaan ka sameeyay,waxaan dhagaystay odayaal badan oo reer Buuhoodle ah oo kala duwan oo qabaa’ilka meesha degan ah oo ka hadlaaya  in magaaladda dhibta laga daayo,  waxaan arkaayay oo baryahanba Buuhoodle mar maraayay nin Baraarug la yidhaahdo  oo Gaboobe ah oo isaguna u soo shax tagay, waxaan arkaayay yarkaas oo marba waxa uu u tagaa qollo dadka kala duwan ee Buuhoodle degen intaas oo askar ah ayaan idinka doonayaa  intaas oo lacag ah ayaan idin siinayaa, jabhad lacag la siiyo waligay wax sheegaya maan arkin, jabhadahan Afrika markaad dabagasho badidoodu waxa loo sameeyaa sidii lacag loo heli lahaa, waxaan ogahay rag caawiya oo inta badan Xamar uga shaqayso, waxa ka mid ah nin la yidhaahdo Khurushof  oo asalkiisu reer Buuhoodle yahay,waxa ka mid ah niman kale oo ilaa hada aan soo shaac bixin lagu xamanaayo oo ay HASS  ka mid tahay, shirkada shidaalka ee HASS inay maalgaliyaan iyaga oo waliba ganacsato ah oo waxa ka mid ah shaqsiyaad kale.”

Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed  oo ah maamulaha shirkada shidaalka ee HASS ayaa dhankiisa shir jaraa’id oo deg deg ah  oo uu warbaahinta kula hadlay waxa uu sheegay inay wasiirka maxkamadaha dalka la gali doonaan “ Shir jaraa’id oo uu qabtay  wasiirka hawlaha guud  iyo guryaynta ee JSL Cabdirashiid Ducaale Qanbi, shirkaas oo waxyabaha uu ka hadlaayay uu ku soo qaaday shirkada HASS kuna eedeeyay jariimad, mujtamaca reer Somaliland iyo dhamaan Soomaali meel ay joogtaba  ay la yaabtay oo shirkadana runtii amakaag ku noqday, aniga oo ku hadlaaya magaca shirkada HASS ahan madaxa guud ee ugu sareeya shirkada  Somaliland, waxaan bushada reer Somaliland u  cadaynayaa warkaas wasiirku inuu ahaa jariimad ka dhan ah  shirkada HASS ayna ahayd duulaan qaawan oo wasiirku uu ku soo qaaday shirkada iyo ganacsiga, waxaan meesha ka saarayaa in haba yaraatee aanay ka jirin waxa uu wasiirku ku hadlay oo ah in magaalada Buuhoodle oo aanan anigu shaqsiyan waligay arkin meel ay ku taalo shirkadayaduna wax xafiis ah iyo wax shaqaale ah aanay ku lahayn, arintaasi waa meelkadhac  ganacsi wasiirka oo u hadlaayay inuu masuul yahay inuu arintaas si aan gabasho lahayn uu ugu badheedhay shirkada waxa uu kula kacay. Waxaan rabaa inaan cadeeyo si xayndaab adag loogu dhigo shirkadaha ganacsiga iyo dhammaan maalgashadayaasha dalka oo aanay dib isaga dhicin in  arintan shirkadu ay u mari doonto xeerarka iyo qawaaniinta dalka u yaala, in wasiirku uu qaadi doono masuuliyada waxa uu ku haday iyada oo aan u mari doono maxkamadaha  dalka iyo xeerarka.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here