Wasiirka Ganacsigu Ha Is Casilo Ama Ha Keeno Qorshe Lagaga Bixi Karo Shidaal Yarida

0
780

 

 

ganacsigaHargeysa(Geeska)-Sida la ogyahay waxa magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee dalka laga dreemayaa shidaal yaraan, gaar ahaan nooca loo yaqaan Batroolka oo dalka gabaabsi ku sii ah.

Shidaal yaraantaasi waxay sababtay in kaalmaha uu ku sii hadhay Batroolku ku iibiyaan qiime sare, litirkiina wuxuu marayaa in ka badan hal dollar oo lacagta Maraykanka ah, taasina maaha qiime ay qaadi karaan bulshada Somaliland oo ay inteeda badani tahay danyar.

Dadweynaha magaalada Hargeysa ayaa cabasho xoogan ka muujiyay qiimaha batroolka ee cirka isku shareeray, waxaanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka dalbanayaan inay wax ka qabato, “Waxaanu dawladda ka codsanaynaa in dhibaatadaas na haysata ay wax ka qabato.” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah darawaliiinta Hargeysa oo u waramayay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaanu la’nahay Batrool haddii uu sii socdana dhibaato iyo isu socod la’aan ayuu sababayaa, waxaana na dul fuushay lacag aad u badan oo ay kaalmaha shidaalku naga qaadayaan, waxaanan leeyahay mee wasiirkii ganacsiga ee hawshan loo xil saaray.”

Shidaal yaraanta waxa umadda u sii raacay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan wasiirka ganacsiga oo talaabo uu qaado iska dhaafe xataa aan ilaa hadda soo bandhigin wax qorshe ah oo uu wax kaga qabanayo dhibaatada umadda haysata. Wasiir Cabdirisaaq Khaliif, oo aanu isku daynay dhawr goor oo kala duwan inaanu wax ka weydiino sababta keentay shidaal la’aanta maadaama oo ay jiraan shirkado gaar ah oo liisan u haysta soo dejinta shidaalka noocyadiisa kala duwan ayaanay noo suurtogelin, waxaanu u muuqdaa inuu ka luqun diinlaynayo ka hadalka mawduucan oo sida muuqata sababi doona mushkilado kala duwan haddii uu sii socdo labada maalmood ee soo socda.

Shirkadaha wadaniga ah ee keena shidaalka oo aanu iyagana isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan.

Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Siilaanyo waxa la gudboon inuu wasiirka ganacsiga oo umadda u xil saaran hawlo badan oo ay hawsha shidaalku ka mid tahay u yeedho waxna ka weydiiyo sababta keentay iyo haddiiba uu hayo wax qorshe ah oo lagu xalinayo dhibaatadan oo haddii ay sii socoto halisteeda leh, iyadoo wasiirka muddooyinkan dambe lagu xamanayay inuu bilaabay ka ganacsiga shidaalka, isagoo ka faaiidaysanaya ka maqnaanshaha saaxadda ee shirkadii TOTAL.