“Caqabadii Abid Iigu Darnayd Ee Isoo Martaa Waxay Ahayd Murankii……”

0
2642

 

malasHargeysa(Geeska)-Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in caqabadii ugu adkayd ee soo marta mudadii uu talada dalkiisa hayay ay ahayd khilaafkii soo kala dhex galay masuuliyiintii xibsiga uu hoggaaminayo ee TPLF taas oo ahayd 10 sannadood ka hor.

Meles oo waraysi dheer siiyay telefishanka laga leeyahay dalka Hindiya ee ITMN TV, wuxuu sheegay inay yartahay cid ogayd khilaafkaas xisbiga iyo heerka uu gaadhay. "17 sano oo halgan hubeysan aan la soo galay xukumad adag waxay ahayd caqabad. Dagaalki xadka ee aanu la galnay Eriteriya waxey iyana aheyd caqabad. Shaqaaqooyinkii 2005, doorashooyinki kadib, waxay ahaayeen caqabado waaweyn. Wayna jireen xiliyo kale oo ay na soo mareen caqabado. Laakiin, aniga, caqabaddi ugu muhiimsaneyd ee isoo marta waxey aheyd mid aanay cid kasta ogeyn, xaqiiqiyan, aynan cidna ogeyn, taasoo aheyd muran xisbiga gudahiisa ah oo ku waajahnaa sidi hore loogu socon lahaa iyo halki loo socon lahaa oo ahayd arrin dhacday 10 sano ka hor," ayuu yidhi Meles Zenawi, waxaanu isagoo ka hadlaya dagaalkii Ereteriya uu dalkiisu la galay sannadkii 1998 uu yidhi,  "Markii uu dhamaaday dagaalki Eriteriya, waxaa naga hor-timid caqabad aad u darneyd oo xisbiga gudahiisa ahayd. Xisbigu wuxuu ku dhawaaday  inuu burburo," ayuu yidhi Ra'isulwasaare Meles, oo marki uu arrintan ka hadlayey wajigiisa laga dareemayey isbedel.

Caqabada uu Meles Zenawi tilmaamay ayaa la filayaa inay tahay khilaafaadkii sannadkii 2001 ka dhex curtay madaxdii xisbiga TPLF ee u soo wada dagaalamay talada dalka Itoobiya, taas oo sababtay kala qaybsanaan adag. Waana ta’ keentay inay ka bixi weydo maskaxda Meles Zenawi oo ku tilmaamay caqabadii ugu adkayd ee soo waajahda.