Hay’adda Ilaalinta Tayada Oo Caddaysay Inay Dekedda Berbera Ku Qabteen Cuntooyin Wakhtigodu Dhcay

1
4185

 

 

 

qualityHargeysa (Geeska)-Gudoomiyaha hay’adda ilaalinta tayada cuntada iyo daawooyinka Md Siciid Saleebaan Mire ayaa ka xog waramay xaalada guud ee hay’adda ilaalinta tayada, waxaanu sheegay inay jiraan cunto ku xaniban dekada magaalada Berbera, hase ahaate muu sheegin shirkadaha iyo cida iska leh cuntada lagu qabtay magaalada Berbera, taas oo uu sheegay inay u badan tahay Sonkor, Daqiiq iyo noocyo kale oo uu wakhtigeedii dhacay.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa intaas ku daray inay dhawaan gacanta ku dhigi doonaan hawlaha shaqo ee hay’add ahaan ay u xil saaran yihiin, waxaanu sheegay in caqabada ugu wayn ee hortaagan ay tahay shaqaale la’aan, isaga oo sheegay in aan wali imtixaan laga qaadin shaqaalaha hay’adda, balse shaqaalaha haatan jooga ay yihiin kuwo ku meel gaadh ah. Wuxuu Siciid arrimahaas kaga hadlay waraysi uu shalay la yeeshay Wargeyska Geeska Afrika, kaas oo sidan u dhacay:

Guddoomiye bal nooga waran xaaladda hay’adan aad madaxda u tahay?

Hay’adani  waa mid la aas aasay 26 Jun 2010, horena way u jirtay lakiin waxa ay ahayd magac u yaal, waxaanan markiiba isku daynay in la sameeyo heerka tayada alaabada oo lamida heerka tayada caalamka. Anagoo aan qalab haysan ayaa waxa aan ku dabaqnay heerka caalamigaa inaan wadanka wax xunina soo galin wax xunina ka bixin. Waxyaabaha aanu ku sii kaantaroolayno waxa ka mida marka aan dawooyinka oo kale soo qaadano ma haysano qalabka lagu baadho ee waxyaabaha aanu ku sii kaantaroolayno waxa ka mid ah shuruudaha caalmka oo dhan wax lagu kaantaroolo, dawo kastoo wadanka imanaysa inay noqoto dawo sumad leh oo la garanayo meeshay katimid, cida samaysay iyo shahaadadii lagu cadeeyay tayadeeda iyo dabcan xidhiidhadii warshada soo samaysay si  loo dabo galo haddii loo baahdo. Waxaana siinay ganacsatada daawooyinka wakhti uu dhaqan galaayo baadhitaankaas oo ah May 16 2011, muddo horoon  qabanay ayaa jirtay laakin ururka qolyahan daawooyinka keena ayaa codsaday in wakhtiga dib looga dhigo.

Cuntada oo kale waxa aan ku baadhnaa muuqaalkeeda markaa waa in aanay noqonin cunto midab doorsoontay oo dhalan doorsoontay, waa in aanay noqon cuno ku raagtay bakhaarada oo huguf iyo wax leh, waa in aanay noqon cuno uraysa, waa ina aanay noqon cuno isku dhagtay ama isku qalashay, wakhtigeeda dhicitaanka inay ka hadhsantahay ugu yaraan muddo sanada, waxyaabahna waa kuwa aanu doonayno inay si toosa u dhaqan galaan.

Shidaalkoo kale waxa ay uu u baahanyahay baadhitaan, waxa kale oo jira oo aanu doonaynaa inaan dhaqan galin cabiro lagu qiyaasayo waxa la iibsanayo oo tusaale ahaan gadbada bariisa ee aan iibsanaa waxa ku qoran 50kg lamana garan karo inay tiradi sax tahay iyo in kale, kaalmaha shidaalka oo kale waanu siinay ogaysiiska oo waa in la ogaadaa tuunbadan  bamkan shidaalka ku shubayaa qofkii ma u dhamaynaysaa wixa uu iibsaday.

Hay’adu waxa ay ka koobantay sagaal xafiis oo furan iyo laba furmi doona waxaanay ku yaalaan laga soo bilaabo Laasacaanood,Ceerigaabo,Burco,Berbera,Boorama iyo Hargaysaba. Gabiilay, Wajaale iyo Saylac, Shaqaalaha haay’adani waxa ay ka kooban yihiin 67 shaqaale ah, waxa ay galyaan imtaxaankii haay’ada shaqaalahu ay qaadaysay oo isniinta soo socota loo fadhisan doono, runtiina in badan ayaan sugaynay imtaxaanka oo waanu ku jactadnay.

Waxqabadka haay’adu waa uu badan yahay, dakada Barbara imika waa ay buuxdaa oo alaab badan oo aan qabanay oo lagubi doonaa taala, wax yar uunbaa ka xaniban oo dhanka ganacsatada. Shaqadan hay’adu waxa ay si toosa u bilaabmaysaa marka ay shaqaalahu imtaxaanka ka soo gudbaan dhamaantood hadda shaqaalaayagu waa ku meel gaadh mana noqonayaan shaqaale rasmiya ilaa ay imtaxaanka ka soo gudbaan, markaas uun baanay hawluhu bilaabmayaan.

Waxa aad xustay inay dekada Berbera aad ku qabateen allaabo badan allaabadaas waa noocma ayaad odhan kartaa?

Waa cuno waxaas aanu qabanay waxaana ka mida sonkor badan, waxa kale oo jira daqiiq la gu’bay oo ay goob joog ka haayeen badhasaabka Saaxil iyo shaqaalaha  halkaas oo jooga ee haa’yada, waxa kale oo jira iyana raashin kale oo lagu gubay meesha layidhaahdo  Xariirad oo ah raashin ay hay’ado bixiyeen lakiin dee wakhtigeedu dhacay, siyaasada haay’aduna waxa kamida in aanan saxaafada u sheegin cida soo waarida alaabadaas la qabtay waayo looma baahna in sawir xun laga bixiyo ganacsatada oo waxa khasaare ugu filan intaas alaabo ah ee laga qabtay ee la gubay, wadankana waxa cashuur soo gasha badideedu waa wax laga helo ganacstada.

Waxa jira raashin yar yar oo suuqa lagu iibiyo sida caanaha oo kale oo dhacay markaas ka hay’ad ahaan maxaa idiinka diyaarsan arrintaas?

Sidaan kuu sheegayay shaqaalaha waxa ka mida kooxo samaynaya baadhid muuqaal, shaqaaluhu markay si rasmiya u shaqo galaana magaalooyinka oo dhan waanu ka nadiifinaynaa wax yaabaa dhacay, lakiin maadama oo aanay shaqaalahu aanay hayn kuwo barmal ah  kuma dhiiran karno inaan wax badan ku qarash garayno. Markaa  waxa suuqa yaala kadib marka ay shaqaaluhu ka soo baxaan imtixaanka waxa nala shaqayn doona koox boolisa oo aanu iyaga laftoodana anagu tababr siinayno,  Markaan intaas isla helno ayaanu magaalooyinka nadiifin doonaa waananu ka war haynaa oo way nasoo gaadhan wax yaabo badan oo jira.

Waxa laga yaabaa in badan oo ganacsatada ah in uu hoos u dhac ku yimaado marka la kaantaroolo alaabooyinka ay soo waaridaan ama wax laga gubo markaas maxaad ugu baaqi lahay ganacsatada Somaliland

Ganacsatadu waa inay u shaqaystaan si ay ilbaxnimo ku jirto, ganacsaduu waxa uu samaynayaa si uu khasaare uga bad baado waa inuu heshiis la galaa qoraala warshada ama kanbaniyada  uu wax ka soo iibsanayo, waa inaanu marka horeba soo xamaalan wax khasaare u keenaya. Waanad ogthay oo inagu waxaan ilaalinaynaa wax ka muhiimsan oo ah in dadku xanuuno ka qaadaan cunooyinka. Ganacsatada yar-yarna waxa ayb iyana isku ilaalin karaan in aanay marka horeba soo iibsan wax yaabaha khariban ama khaldan, wax kale oo ay isku ilaalin karaan tusaale ahaan daawooyinka oo kale inay waydiiyaan bakhaarada daawooyinka ay ka soo iibsanayaan shahaado ku saabsan macluumaadka daawooyinka.

Comments are closed.