Wasiirka Ganacsiga Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Madaxweyne-xigeenka, Banaankana U Soo Saaray Tartanka Adag Ee Ka Dhaxeeya

0
473

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland, Maxamed Xasan Sacad (Saajin) ayaa ka hadlay kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga KULMIYE oo uu musharrax u yahay.

Wasiir Saajin oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ayaa ka warramay kulamo ay yeesheen isaga iyo Madaxweyne ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici oo xilligan ku fadhiya Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Kulmiye, waxaanu sheegay in Wada-hadallada ay yeesheen ay ku soo gabogabeeyeen inay kursigaa ku tartamaan.

Saajin waxa kale oo uu sheegay inay kulamadaasi yeesheen, ka dib markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu u sheegay inay ku soo kala baxaan.

Wasiirka Ganacsiga oo arrimahaa faahfaahinayaana wuxuu yidhi “Dimuqraadiyaddu waa tartan, tartankana nin diyaar u ah baan ahay, laakiin Madaxweyne ku-xigeenka oo joogay dhowr iyo toban sano hoggaanka xisbiga, laakiin aan u haystay inuu soo dhamaystay, kuna biirayo raggii ka horreeyay ee Xasan Ciise ka mid yahay, Cabdiraxmaan Aw Cali ka mid yahay, Axmed Yuusuf Yaasiin ka mid yahay oo uu noloshiisa kale uu galo ayay noqotay meesha anigaa leh oo Cidi islamakay sharraxi karto, taasi waxay igu noqotay wax cajiib ah.”

Wasiir Saajin wuxuu sheegay inuu abaal ka sugayey Saylici “Cabdiraxmaan Ololihii 2017-kii si fiican baan ugala qayb-galay, markaa waxaan isaga ka filayey haddaan damaca ula imaaddo ninkii i dhisi lahaa, laakiin arrintaasi way adkaatay, wuxuu geliyey nooc kale oo tartan ah, qofka bani-aadamka ahi isagaa damac leh, damac lagu abuuraa badanka ma jiro.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Guddiga qaban-qaabadu markay soo dejisay wixii shuruudo loo baahnaa maaha inaad cid ku idhaahdo ma isa sharraxaa ? Markiiba waxaan arkay Olole Qaloocis ah.”

Wasiirku wuxuu sheegay in lagu yidhi ku soo kala baxa Kursiga “Waxay gaadhay markii koowaadba in la yidhaahdo Gadabuursiyoow ku soo kala baxa, wax siyaasad ah oo noocan ahna in Gadabuursi ku kala baxo ma ahayn, ilayn Geel lama kala qaadine…” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Si kastaba ha ahaatee waanu isku nimid, markaanu isku nimid wuxuu isa soo taagay Xisbigan Anigaa leh oo la igulama tartami karo, Wada-hadalnay, Natiijadiina waxay ku dhamaatay labadayaduba (Inaanu tartano), Aniguna damac baan leeyahay oo waan iska hor sharraxay, la iga soo daba-gal, haddana diyaar baan u ahay haddii la ila tartamayo, laakiin ilama tartami kartid ima qabato.”

Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo la waydiiyey waxa ka jira inaanu muddo dheer ku jirin Xisbiga Kulmiye, ayaa ku jawaabay  “Xisbiga Kulmiye waan ku jiray intii UDUB ka dambaysay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inaanu Musharraxnimadiisa fasax uga qaadan Madaxweynaha, laakiin uu Madaxweynuhu u sheegay in isaga iyo Saylici ku soo kala baxaan arrinta ku saabsan tartanka Kursiga 4-aad ee Hoggaanka Xisbiga Kulmiye “Madaxweynaha Fasax ugama qaadaan inaan isa sharraxo, Waayo? xaq baan u leeyahay, laakiin Madaxweynuhu intii isugu kaayo yeedhay ayuu yidhi ‘Samaroonoow ku soo heshiiya’ taasina way dhamaatay, annagu wada-hadalnay..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office