Soomaaliya: Farmaajo Oo Magacaabay Raysal-wasaare Cusub

0
876

Muqdish (Geeska) – Madaxweynaha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa Caawa Magacaabay Raysal-wasaare cusub.

Sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Raysal-wasaare u Magacaabay Maxamed Xuseen Rooble.

“Madaxweynaha oo la-tashiyo badan ka sameeyey ayaa maanta oo ay taariikhdu that 17ka Sebteembar 2020, Xeer Madaxweyne ku magacaabay Mudane Maxamed Xuseen Rooble xilka Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku soo xushay aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaran. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaadhay amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, ka midho dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa..”ayaa lagu yidhi Warka lagu shaaciyey Magacaabista Raysal-wasaaraha cusub oo soo gaadhay Geeska Afrika.

Raysal-wasaaraha cusub ayaa beddelaya Raysal-wasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo Baarlamaanku dhawaan xilka ka qaadeen.

Geeska.net/Hargeisa Office