Wasiirka Ganacsiga Oo Hargeysa Ka Furay Shir Ku Saabsan Maal-gashiga & Ganacsiga Wadanka

0
628

 

Picture1Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Ganacsiga Somaliland Mudane C/Risaaq Khaliif Axmed ayaa shalay Huteelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa ka furay kulan balaadhan oo lagu falan-qeynayay maal-gashiga iyo horumarinta Ganacsiga dalka.

Kulankaas oo ay soo qaban qaabisay Shirkadda Transparent Solution (TS) oo ah shirkad waddani ah oo ay aasaaseen qurbo-jooga Somaliland, waxa ka soo qeyb galay Ganacsatadda dalka, sharaa’iga waddaniga ah, Rugta Ganacsiga, Haay’adda USAID iyo aqoon yahano kala duwan.

Wasiirka wasaarada gancsiga Md. C/risaaq Khaliif Axmed, oo ka hadlay furitaankii shirkaasi, ayaa bayaamiyay ahmiyadda Somaliland uu u leeyahay maal-gashiga iyo horumarinta Ganacsigu, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maal-gashi la sameeyo waxa ka qiimo roon in aqoontii iyo garashadii ganacsiga dalka lagu soo celiyo, ma ganacsi li’in oo ganacsigeenu wuu socdaa ma dhaqaale li’in oo dhaqaale waynu haysanaa laakiin dhibka jira waxa weeye ganacsigeenu waxa uu ku socdaa qaabkii uu ku bilaabmay ee qadiimka ahaa, waxaana jira is bedbedal aduunka iyo qaabab cusub qofkuna hadii aanu la socon heerarka cusub ee ganacsiga aduunka oo aqoon lagu salayn shaqada la qabanayo aanay wax badani suurto galaynin”, ayuu yidhi wasiirka ganacsiga, waxaanu intaa duray “waxaan is lee yahay arrintatan ay wadaan Transparent Solution waxay xal u noqonaysaa in lays dhexgaliyo aqoontii iyo awoodeenii dhaqaale lays dhexgaliyo”.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga Maxamed Shukri, oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiin tahay in horumarin lagu sameeyo maalgashiga dalka, ganacsatada dalka u soo jeediyey inay midoobaan.

“Arrinkan aynu ka hadlayno ayaa arrin wayn ah maalgashiga ama horumarinta maalagshiga dalkeen, waxaad mooda arrinta maalgashiga ama ganacsiga dalkeena qof baa wax yar keenaya tobanbaa ku dayana markaasay isla wada dagayaan, maalintii igu horaysay een maqlo Inernational Trasparency waxay ka hadlayeen wax layidhaahdo Budlus, anigu Budluska waxaan u aqaanay wax dowladi bixiso ama maalgalin wayn, laakiin markii dambe waxaan ogaaday iskugayn fikir iyo caqli lacagta dadku keenaan lagu maalgashado”. Ayuu yidhi Mr, Shukri .

waxaanu intaas ku daray “Anagu hadaanu nahay Rugta Ganacsiga waxaan lee nahay nimankan tujaarta ah intuu nin waliba inyar isku koobayo oo ninba nin la xifaaltamayo uu is lee yahay hebalbaa kaa keenay ee adigu ka badi wax isku darsada oo waxan oo kale ama wax la mida sameeya”,

Agaasima maamulka shirkada Transparent Solution Sharmaarke Jaamac, oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa si faah-faahsan u sharaxay faa’iidada ku jirta maalgashiga iyo sidoo kale casriyaynta lagu sameeyo ganacsiga dalka. Shirkada Transparent Solution (TS), waxaa aasaasay dhalin qurbo joog reer Somaliland si ay horumariyaan malgashiga iyo ganacsiga dalka.