Jaaliyada Switzerland, Oo Lacag Ugu Deeqday Dadkii Ku Waxyeeloobay Rabshadihii AxmedDhagax

0
559

Picture6Hargaysa( Geeska )-Jaaliyadda Dhalasho Ahaan ka soo jeeda Goboladda Hawd Iyo Hargeysa ee ku dhaqan Dalka Switzerland,  ayaa  deeq lacageed soo gaadhsiisay eheladda dadkii ku dhintay rabshadihii degmadda Axmed Dhagax iyo kuwii ku dhaawacmay.

 

Deeqdan lacageed oo dhamayd 1500 oo dollar waxa loo soo wakiishay Cali Gaaxnuug oo ka mid ah jaaliyadda dalka Switzerland. guddoonsiinta Lacagtan waxa ka hadlay Guddoomiyaha Dhalinyaradda Beesha Degta Goboladda Hawd iyo Hargaysa Axmed Maxamed Cabdilaahi (Darajo), waxaanu sheegay in ay tahay wax lagu farxo,Waxa uu uga mahad celiyay jaaliyadda Reer Switzerland, Deeqdaasi lacageed ee ay soo gaadhsiiyeen dadka dhiban isaga oo ilaahay uga baryay in uu ugu bedelo wax ka khayr badan waxaanu hadalkiisa ku bilaabay“ Runtii waa deeq farxad gelinaysa Intii ay rabshadahaasi kaga dhinteen dad kuwii ay ugu jeclaayeen iyo kuwa ku dhaawacmay, labaddaba, waxaanan ilaahay uga baryayaa in halkii ay ka soo saareen uu ugu bedelo wax ka khayr badan.”

Hibaaq Xasan Karuur oo dhaawacii ugu cuslaa maalintaas ka soo gaadhay rasaasti ciidamada booliska oo hadda xaaladeeda Caafimaad ka soo raynayso ayaa uga mahad celisay jaaliyadda reer Switzerland, deeqdaasi lacagta ah ee ay soo gaadhsiiyeen,Waxa ay sheegtay in xaaladeeda Caafimaad ay hadda aad u fiican tahay “Waxa aan marka hore uga mahad celinayaa walaalahayga Reer Switzerland, deeqdaasi lacageed ee ay na soo gaadhsiiyeen, waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu miisaanka Xasanaadka u saaro, hadii aan warbixin yar oo kooban idinka siiyo xaaladdayda Caafimaad hadda aad ayay uga soo raynaysaa, waanan fiicanahay.”

Xasan Cabdi Qaasaali oo isagu adeer u ahaa wiil isagu dhintay Rabshadahaasi ayaa isna uga mahad celiyay Jaaliyadda reer Switzerland deeqdaasi lacageed ee ay soo gaadhsiiyeen “Marka hore waxa aan u mahad celinayaa rag iyo dumarba intii iyagu lacagtaas ugu soo talogashay in ay soo gaadhsiiyeen dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay eheladooda, waana mid na farxad gelinaysa, diinteena ayaana ina faraysa in la isu damqado, waanu dareemaynaa wadaninimadda, sidoo kale cali Gaaxnuug oo isagu na soo gaadhsiiyayna waanu u mahad celinaynaa.”

Cabdishakuur Cabdilaahi oo isna dhalay mid ka mid ah dhalinyaradii ku dhimatay rabshadihii ka dhacay Degmadda Axmed Dhagax, ayaa isna uga mahad celiyay jaaliyadda reer Switzerland, deeqdaasi lacageed ee ay soo gaadhsiiyay, waxaanu yidhi “Waxa aan salamayaa una mahad celinayaa jaaliyadda reer Switzerland oo uu Cali Gaaxnuug, wakiil ka yahay, waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu bedel khayr qaba ka siiyo, halkii ay ka soo saareena mid ka khayr badan ugu bedelo.” ayuu yidhi.