Cabdikariim Xinif Oo Isu Sharaxay Xilka Maxamed Kaahin Ee Xisbiga KULMIYE

0
513

 

Picture2Hargaysa( Geeska )–Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee Komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka Md.Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa si rasmiya daboolka uga qaaday inuu u taagan yahay jagada musharaxnimada gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga talada dalja haya ee Kulmiye, waxaanu masuulkani ku soo biiray ololaha xisbiga Kulmiye ee maalmahan soo if baxay. Kursigan uu Mr. Xinif isu sharaxay waxa hadda ku fadhiya Maxamed Kaahin Axmed, oo sheegay inuu u sharaxanyahay guddoomiyaha KULMIYE.

 

Cabdikariin Xinif waxa uu sidan ku sheegay shir jaraa’id oo ku qabtay magaalada Hargaysa, waxaanu ugu horayntiiba ku bilaabahy hadalkiisa sidan “Waxaan ahay xubin ka mid ah guddida golaha dhexe ee xisbiga, wax kale idiin kuma yeedhin hankayga ama damacayga siyaasadeed oo ah inaan u taaganahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, maadaama guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee xisbigu cadeeyey in uu u taagan yahay, musharax guddoomiye iyo musharax madaxweyne.”

C/kariin Xinif agaasimaha maamulka iyo lacagta komishanka Xakamaynta HIV AIDs-ka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi  “Anigu guddoomiye uma taagni  musharax guddoomiye ku xigeen 1-aad ayaan ahay, damacani wakhti dheer ayuu igu jiray hadana ma jeclayn meel Maxamed Kaahin fadhiyo inaan u tartamo, markii uu guddoomiye ku xigeenka imanayeyna waxaan ka mid ahaa ragii ololaha u galay ee rag badan doonayey ganafka ku dhuftay ayaan ka mid ahaa, haddii uu odhan lahaa waxaan u tartamayaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga lama tartameen, laakiin qofka jaanisku mar buu soo maraa, jaanis isoo maray oo wakhtigiisii taagan ayaan u arkaa, markaa waxaan doonayaa inaan cadeeyo inaan musharax u ahay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga, kaasi oo aan rajaynayo ergooyinka shirweynaha xisbiga imanayaa igu taageeraan”.