Wasiirka Waxbarasha Oo Si Rasmiya Ugu Dawaaqday Wakhtiga Loo Fadhiisanayo Imtaxaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Shexe Iyo Sare

2
623

 

Wasiirka-waxbarashada-SomalilandHargaysa(Geeska )-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare  Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa shalay si rasmiya ugu dhawaaqday Xiliga loo fadhiisanayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Dhexe iyo sare.

Wasiirka waxbarashadda oo xafiiskeeda ugu waramaysay warbaahinta waxay sheegtay 30 Juun si rasmiya loogu fadhiisan doono imtaxaanka shahaadiga ah guud ahaan Somaliland,waxaany xustay in Ardayda guud ahaan u fadhisan doonta imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ay tiradoodu gaadhayso 17531( Todoba iyo Toban kun, Shan Boqol iyo Sodon iyo Kow )Arday. dalka oo dhan.

Sida wasiir Samsam ay shaacisay waxa sanadkan imtaxaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Dhexe iyo Sare u fadhiisanaya 11750 wiilal ah iyo 5781 hablo ah. Wasiirka Waxbarshada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ugu horayn Shirkaasi Jaraa’id ka hadashay waxay tidhi “Waxaanu maanta ku dhawaaqaynaa wakhtiga imtixaanka la galayo, tirada ardayda galaysa iyo goobaha imtixaanka, ardayda sannadkan ka qaybgalaysaa waa 17531 arday (toban iyo todoba shan boqol sodon iyo kow), dugsiyada sare waxa ka baxaya 5846 arday (shan kun sideed boqol afartan iyo lix), 4169 (afar kun boqol lixdan iyo sagaal) waa wiilal, 1695 (kun lix boqol sagaashan iyo shan) waa hablo, goobaha dugisyada sare lagu galaayo imtaxaanka 42 goobood, wadanka oo dhan.”

Wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa kale oo ay sheegtay in kow iyo toban Kun, Lix Boqol iyo Todoba iyo Lixdan arday ayaa iyaguna u fadhiisan doona Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada dhexe “Dugsiyada dhexe waxa ka qaybagalaya 11667oo arday, 7581 waa wiilal, 4086 waa hablo. Goobaha dugsiyada imtaxaanka loo fadhiisanyaa waa 98 goobood wadanka oodhan. hawl wadeennada ka qabgalayaa waa 1263. Gaadiidka lagaga qaybgalayaana waa 60-dan, Imtixaankana waxay ardaydu u fadhiisan doonaan bishan Juun 30-keeda.”

Comments are closed.