Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Somaliland Oo Cadeeyay In Dad Al-Shabaab Ka Tirsan Lagu Qabtay Hawlgaladii Ay Ciidamada Amaanku Sameeyeen

0
527

 

Picture1Hargeysa(Geeska)-Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa caddeeyay inay jiraan dad Al-Shabaab ka tirsan oo lagu qabtay hawlgaladii ay dhawaan ciidamada ammaanku ka sameeyeen dalka.

Wasiir Cadami, oo waraysi siiyay idaacadda Radio Sanaag, wuxuu sheegay inay Somaliland iyo Ingiriisku iska afgarteen madmadowgii soo kala dhex galay, ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo dhawaan safar ku tagay dalka Ingiriiska.  “Hadalkeedii hadda wuu soo dhammaaday, oo waxa loo daayay xafiisyada nabadgelyada u qaabilsan ayaa wada hadalkeeda iyo meel isla dhigisteeda loo daayay.” Ayuu yidhi Wasiir Cadami, waxaanu isagoo ka hadlaya dadka lagu qabtay hawlgaladii dhawaan laga sameeyay caasimadda Hargeysa, uu yidhi  “Hawlgalkaan ogahay waa baadhitaan, dabadeedna dad badan oo la tuhunsanyahay, dab munaafaq shiday ayuu muuminkuna ku gubtaa, way dhici kartaa in dad muwaadiniin ah oo wanaagsan inta baadhistaasi socoto iyagana la xaabiyo, laakiin inta la kala saarayo wixii aan dambi lahayn waa la sii dayn, wixii wax ku cadaadaana abaalkiisa la marinayaa.”

Wasiir Cadami, oo la weydiiyay in dadka la qabqatay ay ku jiraan Xubno Al-Shaab ka tirsani, waxa uu yidhi “Waa ku jiraan Haa. Waa ku jiraan cid ah, laakiin tirada iyo kala saaristu markay dhammaystiranto ayaa la sheegi.” Sidaas ayuu wasiirku si kooban u yidhi.

Wasiirka oo sii sharaxaya hawlgalada ay ciidamada ammaanku qaadeen iyo nuxurkooda, wuxuu yidhi “Hawlgalkaas mar walba waa la samaynayay waxase aanu ku raali gelinayno qolo mucayin ahi ma jirto, hawlgalkaas la qabtayna dalka gudihiisa ayaa laga qabtay, cidda qabatayna waa dadka nabadgelyada u xilsaaran oo dalka gudihiisa ah, Qolyahaasina (Maraykanka iyo Ingiriiska) xidhiidh fiicanbaanu leenahay, xitaa haddii ay wax sheegaan kuma kala tagayno ee waa la wada hadlayaa, laakiin sida aad hadda u dhigayso in intaanu ku hababarnay ay iyagu amar na siiyeen ma jrito ee baadhistu beryahan oo dhan way socotay.”

Wasiirku, wuxuu sheegay inay Somaliland ku faraxsantahay in Al-Shabaab lagu jebiyay koonfurta dalka Somaliya, waxaanu sheegay inay ka digtoonyihiin in firxadku soo galaan dalkooda.