Wasiirka Gaashaandhiga Oo Xalay Cayimay Maalinta Ciidamada Dalka Loo Bilaabayo Qaybinta Darajoyinka Kala Duwan

0
553

Picture7Hargeysa(geeska)-Wasiirka gaashandhiga Md.Axmed Xaaji Cali Cadami,ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in darajadii ciidanka loo qaybin doono maalinta ciida ee fooda inagu soo haysa.

Wasiirku waxa uu sheegay in dhamaan ciidamada dalka goobahooda kala duwan loogu gayn doono darajooyinkooda,isla markaasna goordanbe oo xalay ah laysla waafaqay fikirka guud ee bixinta darajooyinka iyada oo ay joogaan taliyaashii ciidamada oo dhan.

Waxa uu sidan ku sheegay wasiirka gaashan dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami Waraysi gaar ah oo uu xalay siiyay wargeyska Geeska Afrika,warasigaas oo ugu dambaytii uu ku sheegay in riyadii laga saaray darajadii ciidanka laguna guulaystay in la gaadho.

Wasiir Cadami oo aanu waydiinay ugu horayntii halka ay marayaan shirar u socday oo ku saabsanaa baxinta darajadii ciidanka waxa uu hadalkiisa noogu bilaabay    “Hawshii way dhamaatay  wax badan oo la sugaayayna may jirin ee kol haddii fikirkii lagu heshiiyay waxaan si rasmi ah darajadii ciidanka  qaybinteeda loo bilaabayaa maalinta ciida dhawr cishana waa ay soconaysaa,sidaas ayaana ku qoran digreetada madaxweynaha, oo aan siddo. Dhamaan ciidanku meel ay joogaanba gaadiidkii qaadi lahaa iyo hawsheediiba waa loo diyaar gareeyay caawaanay (Xalay) baxayaan si ciidan kasta goobtay joogaan loogu siiyo darajada,warqadii oo ay ku qorantahay inta la dalacsiiyay iyo inta kale waxa lala damcay ayaa loola tagayaa darajadiina waaba la sii geeyay goobaha ay ciidamadu joogaan.”

Wasiirka gaashandhiga Md.Axmed Xaaji Cali Cadami ugu danbayntii waxa uu waraysigan uu siiyay wargeyska Geeska Afrika uu ku soo gunaanaday sidan “Darajadii ciidanka ee riyada inta badan dadka qaar ay ka dhigayeen waa ay bilaabmatay,wax la yidhaado macquul maahana waa taas maanta macquulka noqotay,farxada ciidda ayaa farxad kale ciidanka looga dhigayaa dadweynahuna waa ay la farxayaan,dhamaan ciidanka dalku sida uu u dhan yahay iyo qaybahooda kala duwana waala siinayaa ilaa kuwa badda.”  

Geesta kale, warsaxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu dhaqan geliyay bixinta darajooyinka ciidamada ee kala duwan. Warsaxafadeedkaas ayaa wuxuu u dhignaa sidan:  “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu caawa dhaqan geliyey xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1948/082013 oo ku salaysan bixinta Derejooyinka Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynuhu

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: In ay lagama maarmaan tahay in Dhamaan Ciidamada Qaranka la siiyo Derajooyin ay mutaysteen;

Markuu Tixgeliyey: Magacaabidii Guddida Hirgelinta Derajo-bixinta iyo talo bixintoodii;

Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedintii Guddida Nabad-gelyada Qaranka ee Derajo Bixinta khusaysa;

Markuu Garwaaqsaday: Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee Qarankan u hayaan;

Markuu Ku-qancay In bixinta derajada Ciidamadu ay kor u qaadi doonto Milgaha iyo Sharafta Ciidamadeena iyo Haybadda Dawladnimo;

 

WUXUU GO’AANSADAY

Dhamaystirka Derajada Ciidamada kala duwan ee Qaran in ka badan 10,000 oo Askari oo u dallacay derajooyin kala duwan ee u dhexeeya Alifle ilaa Sareeye-Gaas, isla markaana Madaxweynuhu wuxuu go’aamiyey in Dhamaan Ciidamada loo kordhiyo Gunno Derajo iyadoo lagu salaynayo Derajada iyo dallacaada kala duwan, korodhka Gunnada Derajada oo ka bilaabmaya September 2013. Waxaa la farayaa Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan in derajooyinka si rasmi ah loo bixiyo munaasabadda Ciidal-Fidriga.”