Wasiirka Gaashaandhiga Oo Sheegay In Tusmadii Koowaad Ee Derajada Ciidamadu Ay Dalka Soo Gaadhay

0
603

 

cadamiHargaysa ( Geeska )-Wasiirka wasaarada gaashandhiga Md.Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa daboolka ka qaaday in tusmadii koowaad ee darajada ciidmada qaranku ay soo gaadhay dalka, isla markaasna ay soo qaadayaan guud ahaan darajadii ciidamada loo sameeyay oo la dhammeeyay.

 

Waxa uu wasiir Cadami sheegay in guud ahaan qaybaha kala duwan ee ciidamada dalku ay darajadooda heli doonaan, waxaanu si kooban u sheegay in xaflad balaadhan loo qaban doono ku dhawaaqitaanka rasmiga ah ee darajadaas ciidamada qaranku ay wakhtiga dheer u dheg taagayeen.

Waxa uu sidan ku sheegay wasiirka gaashandhiga Md.Axmed Xaaji Cali Cadami waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Geeska Afrika, waxaana ugu horayntii wasiirka oo wargeysku uu waydiiyay halka ay marayso samayntii darajada ciidamada ee xukuumadu ay ku hawlanayd uu yidhi   “ Darajadii sidaan horeba u sheegnay waa la sameeyay, lacagteediina waa la baxiyay tusmadiina waa la keenay waxa ka dhimanina waa  xafladii lagu shaacin lahaa, wax maqan iyo wax meel kale laga doon doonayaa midna ma jirto.”

Wasiir Cadami oo hadalkiisa siiwataa waxa uu yidhi  “ Waxaana la soo horumariyay qayb darajada kamid ah oo tusmo loogu talo galay, qaybtii kalena waad diyaar oo waa la soo qaadayaa uun, qaybtan soo gaadhay dalka ee  tusmada ahina waa ciidamada milatariga,  intii kalena waa diyaar oo bakhaaradii ayay  ku xaraysantahay oo soo qaadi taan ayuunbay sugaysaa, wax hadal iyo isku riix riix ka jirana maaha.”

Ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaan helin darajadii ciidan tan iyo intii lagu dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland, waxaana xukuumadii u kala danbeeyay hogaaminta dalku ay inbadan isku dayeen samaynta darajada ciidamada kala duwan ee dalka, waxaanay bulsho badani u dheg taagaysaa sida ay xukuumadu u qaybiso darajadaas ciidamada.