Maxay Somaliland Ka Faa’iidaysaa Tirakoobka Gudaha Dalka Ka Socda?

0
4054

 

sacadHargaysa( Geeska )- Wasiirka wasaarada qorshaynta Dr.Sacad Cali Shire, ayaa si kooban uga waramay tiro koob lagu samaynaayo guud ahaan dadka reer Somaliland, kaas oo loogu talo galay in lagu ogaado tirada guud ee shacabka.

 

Waxa uu wasiirku sheegay in dalku aanu lahayn tiro koob sax ah loona baahan yahay in la sameeyo torikoobkaas, si dadka Somaliland qorshe loogu horumarinaayo loogu samayn karo.

Dr.Sacad waxa uu sheegay in barnaamikan ay samaynayso haay’ada UNFPA oo ka tirsan haay’adaha qaramda midoobay, waxaanu sidan ku sheegay mar uu u waramaayay wargayska Geeska Afrika, waxaanu ugu horayntii isagoo ka hadlaya barnaamijkan tirokoobka uu wasiirku yidhi  “ Barnaamijkaas waxa wada hay’ad kuwa qaramda midoobay kamid ah oo la yidhaahdo UNFPA, ujeedaduna waxa weeye maadaama oo dadkii aan imika tiro koob dhab ah lagu samayn karayn oo madax ka kaw ah bal qiyaasta ugu wanaagsan ee la  qiyaasi karo dadkeena in la eego, mana aha marshuuc inaga inagu kooban ee qaybona waxa leh Puntland qaybo kalena koonfurta Somaliya oo dhulkii laysku odhan jiray Somaliya oo dhan ayaa laga samaynayaa, markaas maadaama oo aynu inagu nahay meesha kaliyaata ee dagan ee wax laga samayn karo hawshii imika halkan ayay ka bilaabeen.

Markaas hawsha ay bilaabeen waxay samaynayaan goobo la calaamadinaayo kuwaas oo hadhaw laga soo saarayo muunada, dadna waa lagu waraysanayaa oo waraysigaas waxa lagala soo baxayaa inta dad ee ku nool goob kasta, Magaalo kasta iyo tuulo walba waana barnaamij soconaaya ilaa bisha shanaad.

Wasiirka oo la weydiiyay inuu qorshahani la mid yahay tirokoob ay wasaaradda arrimaha guduhu sheegtay inay samayn doonto, wuxuu yidhi  “Waa kala jaad, kaas wasaarada arimha guduhu waxa uu la xidhiidhaa diiwanagalinta dadka marshuucanina maaha diiwangaline waa tiro koob, wasaarada arimha gudahu iyadu waxay wadaa in dadka oo dhan la diiwangaliyo.”

Wasiir Sacad Cali Shire, oo uu Geeska Afrika weydiiyay faa’iidada Somaliland ugu jirta tiro-koobkan, wuxuu yidhi “Waxyaabo badan ayaynu ka faa’idaynaa, waayo wakhtigan xaadirka ah male mooyaane ma garanayno tirada dadkeena, xili tiro koob la sameeyana waxa inoogu danbeeyay 1975, laba jeer oo danbe ayay dawladii Afweyne samaysay labada jeerba waxba kamay soo baxin, waxa inoogu xigay wakhtigii 2005 -2006 oo  baanka aduunka iyo UNDP ay iska kaashanayeen tiro koob la sameeyo barigaasna waxbay soo saareen balse waxa uu noqday mid ka fog xaqaa’iqa sida aynu u aragno inagu, markaas waynu u baahanahay in ayanu ogaano tiradeedna.”